DEG DEG:-Qarax Is-Miidaamin Ah Oo Goordhow lagula eegtay Muqdisho Afhayeenka Xukuumadda

0
Sunday January 16, 2022 - 12:03:36 in Wararka by
  • Visits: 213
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG:-Qarax Is-Miidaamin Ah Oo Goordhow lagula eegtay Muqdisho Afhayeenka Xukuumadda

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Jugta qarax xooggan oo Goordhow laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolkaan Banaadir ee caasimadda Dalka Soomaaliya , kaasi oo ka dhacay meel u dhow Isgoyska Dabka ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxaas ayaa ahaa mid Is-Miidaamin ah oo uu fuliyey qof isku soo Xiray Jaakad  ay ku jiraan waxyaabaha Qarxa .

Qaraxaasi ayaa waxaa lala beegsaday oo la isku  qarxiyey gaari uu watay Afhayeenka Xukuumadda Federraalka Soomaaliya Md.Maxamed Ibraahim Macalimuu oo marayey Isgoyska Dabka ee M.Muqdisho.

     Dhinaca kale Qaraxa  ayaa wararku sheegayaan inuu ka dhashay khasaare soo gaaray Afhayeen Macalimuu oo ku Dhaawacmay isagoo loola cararay mid ka mid ah Isbitaalada ku yaalla Magaalada Muqdisho.

     Sidoo kale halka  Dad marayey wadda iyo kuwa ku ganacsanayyey ayaa waxyeelo ka soo gaaraty .

     Dhinaca kale Goobta qaraxu ka dhacay ayaa  waxaa soo gaaray  Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka ayaa si deg deg ah u ga aray goobta uu qaraxu ka dhacay, isla markaana xiray aagga oo dhan, waxaana socda gurmad loo sameynayo dadkii ka soo gaartay qaraxaas dhacay..

 wixii warar ah ee dheri ah kala soco wararkeena dambe insha allaah


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip