Jan. Sakiya oo baahisay dardaaran la xariira geerideeda kaddib 'No Siyaasi'

0
Wednesday January 12, 2022 - 22:10:52 in Wararka by
  • Visits: 93
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jan. Sakiya oo baahisay dardaaran la xariira geerideeda kaddib 'No Siyaasi'

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Inta badan waa la fuliyaa dardaaranka uu jeedinayo qofka marka uu sakaraadka yahay ee ay naftu ka sii baxeyso amaba inta uu nool yahay kaddibna uu geeriyoodo, iyadoo intaasina xil weyn iska saaraan caruurtiisa ama qoyska xigtada dhow la ah.

Taliye ku xigeenka ciidamada Booliska Soomaaliya Jan. Sakiya Xuseen ayaa ka hadashay dardaaran ku saabsan marka uu mowdku haleelo ee ay geeriyooto kaddib inaan lagu duugi karin meel aan ahayn degmada Warsheekh oo ah xarun diimeed caan ku ah fidinta diinta Islaamka iyo barashada cilmiga.

"Aduunyo waa labo cisho, hadii teyda timaado dad aanan ahayn askari & shacab yeeysan janazadu igu tukanin (no siyaasi). Qof aanan ahayn Sh Cismaan Xidig yuusan tujunin. Meel aan ahayn Warsheikh yaanan la igu duugin” ayay tiri Jan. Sakiya Xuseen qoraal ay soo dhigtay barteeda Facebook.

Taliye ku xigeenka Booliska ayaan la ogeyn sababaha ka dambeeya mamnuucista siyaasiyiinta inay ka qeyb galaan aaskeeda isla ku tukadaan salaadda janaasada ay suuragal tahay inay u aaneyneyso inay si weyn uga xumaatay khiyaanada iyo howlaha guracan oo ay caadeysteen badi siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo iyagu ka degi la’yahay.

Dhinaca kale Sakiya Xuseen ayaa ah haweeneydii ugu horeysay ee darajada Sareeye Guuto ka gaartay ciidanka Booliska Soomaaliya, iyadoo aas qaran loogu sameynayo halkii ay dalbatay in lagu aaso ee degmada Warsheekh.




XIGASHO:SOMALIWEYN.COM




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip