K/Galbeed Oo Shaacisay Magacyada Odayaasha Dhaqanka Ee Soo Xulaya Ergada 5 Kursi

0
Thursday January 13, 2022 - 10:17:14 in Wararka by
  • Visits: 104
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    K/Galbeed Oo Shaacisay Magacyada Odayaasha Dhaqanka Ee Soo Xulaya Ergada 5 Kursi

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Guddiga hirgelinta doorashada dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee SEIT ayaa shaaciyay Magacyada Odayaasha dhaqanka iyo Ururada Bulshada Rayidka ee soo xulaya Ergada 5-tii kursi ee guddigu shaaciyey.

Qoraal ay soo saareen Guddiga doorashada Koonfur Galbeed ayaa lagu soo bandhigay Liiska magacyada Odayaasha dhaqanka iyo Ururada Bulshada Rayidka, kuwaasi oo soo xulaya Ergada 5 kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka.

Guddiga doorashada ayaa Odayaasha dhaqanka iyo Ururada Bulshada ee magacyadooda la shaaciyey ka codsaday inay Maanta oo khamiis ah tagaan Xarunta Guddiga Magaalada Baydhabo, si ay ula kulmaan xubnaha soo xulaya Ergada.

Guddiga ayaa gelinkii dambe ee shalay soo saaray Jadwalka doorashada shan kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad, waxaana tirsigoodu kala yihiin HOP184, HOP085, HOP156, HOP176 iyo HOP046.

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa noqday maamulkii ugu horreeyay ee dhaqan-geliyay qodobadii kasoo baxay Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee heshiiska looga gaaray doorashada dalka ka dhaceysa.



 

Hoos ka Akhriso Magacyada xubnaha la shaaciyay.

 
 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip