Qoorqoor Oo La Kulmay Danjiraha Sweden U Fadhiya Soomaaliya

0
Wednesday January 12, 2022 - 20:30:40 in Wararka by
  • Visits: 202
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qoorqoor Oo La Kulmay Danjiraha Sweden U Fadhiya Soomaaliya

    ,,,,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

,,,,

      Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa galabta magaalada Muqdishu kula kulmay Danjiraha dalka Sweden u fadhiya Soomaaliya Danjire Per Lindgarde.

      Madaxweynaha iyo danjiraha ayaa ka wada hadlay arrimo ku aaddan marxaladda siyaasadeed ee taagan, waxaana si gaar ah ay diiradda u saareen doorashada iyo horumarinta Galmudug.

      Danjiraha dalka Sweden u fadhiya Soomaaliya Danjire Per Lindgarde ayaa dhawaanhaan kulamo kalduwan Muqdisho ka waday, waxaaana horay uu kulamo siyaasadeed oo ku aaddan arrimaha doorashooyinka la yeeshay mas’uuliyiin ay qayb ka yihiin madaxweynayaal Dowlad Goboleed.

Xili dhawaan Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran, kaasi oo go’aan looga gaaray arrimihii doorashooyinka ee Muranku ka taagnaa.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip