DEG DEG: Guddiga doorashooyinka federaalka oo war ka soo saaray khilaafka doorashada Galmudug

0
Wednesday January 12, 2022 - 20:27:10 in Wararka by
  • Visits: 152
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG: Guddiga doorashooyinka federaalka oo war ka soo saaray khilaafka doorashada Galmudug

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa ka soo hor jeestay xil ka qaadistii maanta la sheegay in lagu sameeyey guddoomiyaha guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Galmudug Maxamed Daahir Guuleed.

Afhayeenka guddiga doorashada heer federaal Axmed Safiino oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in warqadii maanta lagu faafiyey bogga rasmiga ah ee guddiga doorashada Galmudug aysan sax aheyn.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa sheegay in xubinhii soo saaray warqadaas ee ku dhawaaqay inay xilkii ka qaadeen guddoomiyahooda uu guddiga heer federaal anshax marin ku sameyn doono.

"Guddiga doorashada Galmudug wax shir ah oo ay guddoomiyahoodii ku rideen ama mid kale ku doorteen ma uusan yeelan, sidaas dartee cidii been abuurka sameysay tallaabo ayaan ka qaadi doonaa,” ayuu yiri afhayeenka guddiga doorashada heer federaal Axmed Safiina.

Xubnaha guddiga doorashooyinka Galmudug ee maanta sheegay inay xilkii ka qaadeen guddoomiyahooda Maxamed Daahir Guuleed ayaa warqadooda ku shaaciyey inay guddoomiye cusub u doorteen Maxamed Qaasim Maxamuud oo horay u ahaa xogyaha guddiga.

Hoos ka daawo afhayeenka

 



 

 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip