Falaanqeynta Kulanka Xiisaha Badan Ee Europe League Ee Villareal Vs Liverpool, Reds Miyeey Qeyb Ka Noqon Kartaa Musiibada The Yellow Sublime Ka Heysata Kooxaha Ingiriiska ?

0
Thursday April 28, 2016 - 13:24:00 in Sports News by
  • Visits: 716
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Falaanqeynta Kulanka Xiisaha Badan Ee Europe League Ee Villareal Vs Liverpool, Reds Miyeey Qeyb Ka Noqon Kartaa Musiibada The Yellow Sublime Ka Heysata Kooxaha Ingiriiska ?

    Kadib guushii layaabka laheyd ee soo laabashada aheyd ee ay kasoo gaartay kooxda Borussia Dortmund kooxda Liverpool ayaa wareega afar dhamaadkaEuropa League ku wajaheysa kooxda ree Spain ee Villareal kuwaasoo ay marti ugu noqon doonaan garoonkaEstadi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib guushii layaabka laheyd ee soo laabashada aheyd ee ay kasoo gaartay kooxda Borussia Dortmund kooxda Liverpool ayaa wareega afar dhamaadkaEuropa League ku wajaheysa kooxda ree Spain ee Villareal kuwaasoo ay marti ugu noqon doonaan garoonkaEstadio El Madrigaliyagoo raadinaya iney dheereystaan 12 kulan oo guuldaro la'aan ah tartamada oo dhan.

Kulanka:Villareal Vs Liverpool

Garoonka: Estadio El Madrigal

Saacada Geeska Afrika:10:05 habeenimo

Wararka Labada Koox:

The Yellow Submarine kooxda lagu naaneeso ayaa iskeenay wareega afara dhamaadka tartankaan kadib markii ay dhabarka iska soo mariyeen kooxda Sparta Prague, waxyana kulankaan ciyaarayaan iyadoo ay ka maqan yihiin sadex ciyaariyahan oo dhaawac kaga maqan waxayna kala yihiinLeo Baptistao,Jaume CostaiyoMateo Musacchio.

Dhanka Liverpool, waxay kulankaan iskeenayaan kadib guushii ay kasoo gaareen kooxda Dortmund waxaana ay war fiican ka helaan soo laabashada weeraryahanka aan qaab ciyaareedka fiican ku jirin eeChristian Benteke kadib mudo uu dhaawac kaga maqnaa garoomada,Sturridge oo keydka ku bilowday labadii kulan ee ay la ciyaareen Dortmund iayaana la filayaa inuu ku bilowda shaxda weerarkiisa maadaama uu dhaawacan yahay weeraryahankii laga doorbidayay ee Divock Origi.

Sakho ayaa kulankaan seegi doona maadaama ay wali ku socoto baaritaankii isticmaalka daawooyinka ka mamnuuca ah ciyaartooyda waxaana uu macalinka jarmalka soo xulan doonaa midkoodKolo Toure amaMartin Skrtelsy ay daafaca ugala ciyaaraan Dejan Lovren.

Villarreal-vs-Liverpool-Prediction-and-Tips

Ma Ogtahay:

Villarreal iyo Liverpool ayaan waligood ku kulmin tartan European ah laakin labada koox ayaa si saaxiibtinimo ah u wada ciyaaray sanadii 2008, waxayna ku dhamaatay barbaro goolal la’aan ah kulankii ka dhacay Spain.

The Yellow Submarine ayaan rikoor qurxoon ka heysan kooxaha Premier League mana aysan guuleysan xitaa mar kamid ah 10 kii isku day ee ugu danbeeyay.

Wadar ahaan, Villarreal ayaa sadex guul ka gaartay, lix barbaro ka heshay, afar guuldarana kala kulntay 12 kulan oo ay kooxaha ingiriiska kula ciyaartay tartan yurub ah halka 32 dii kulan ee u danbeeyay ee Liverpool ay la ciyaartay kooxaha Spain ay ku dhamaadeen 13 Guul, 1o barbaro iyo sagaal guuldaro.

Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Koox:

Villarreal:Areola; Mariom Bailly, Ruiz, Rukavina; Suarez, Castillejo, Bruno, Trigueros; Soldad, Bakambu

Liverpool :Mignolet; Clyne, Lovren, Toure, Moreno; Allen, Milner; Lallana, Coutinho, Firmino; Sturridge




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip