Wasiirka Gaashaandhigga Oo La Kulmay Ergeyga Qaramada Midoobay

0
Wednesday January 12, 2022 - 19:16:35 in Wararka by
  • Visits: 171
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Gaashaandhigga Oo La Kulmay Ergeyga Qaramada Midoobay

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga JFS Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa la kulmay ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Qaramada Midoobey u fadhiya Soomaaliya James Swan,waxayna kawada hadleen sidii loo dardar gelin lahaa Qorshaha Kala-guurka Qaran iyo sidii Ciidanka Xoogga Dalka ay ula wareegi lahaayeen amniga guud ee dalka.

Waxay sidoo kale hoosta ka xariiqeen in lasii kordhiyo Dib-u-habeynta ciidamada, sare u qaadidda howlgallada Amisom.

Ugu dambeyntiina wuxuu Wasiirka u caddeeyey ergeyga Qaramada Midoobay inay ka go’an tahay Dowladda Federaalka inaan Ciidanka Xoogga la siyaasadeyn, kuna ekaadaan waajibaadkooda qaran.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyey ergeyga gaarka taageerada ay la garab taagan yihiin sidii Soomaaliya ay u hanan laheyd amniga dalka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip