Tahriibayaal ku xayirnaa dalka Liibiya oo Muqdisho lagu soo celiyay

0
Wednesday January 12, 2022 - 12:14:58 in Wararka by
  • Visits: 202
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tahriibayaal ku xayirnaa dalka Liibiya oo Muqdisho lagu soo celiyay

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Dhallinyaro Soomaaliyeed oo muddo Sanada ah ku xirnaay Xabsiyada kuyaalo dalka Liibiya ayaa maanta Qaar kamida Dalka dib loogu soo celiyay.

Dhalinyaradan oo tiro ahaan gaaraya 97 Ruux waxaa garoonka Diyaaradaha ku soo dhaweeyay Wasiiru dowlada Wasaaradda Amniga gudaha XFS Farxaan Cali Axmad oo uu Wehliyo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Cabdisaciid Muuse Cali iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Yusuf Cali.

 

    Dhalinyaradan ayaa ka baxsadeen xabsiyadii magafeyaasha iyagoo iska dhiibay Safaaradda Soomaaliya ee Tripoli si dalka loogu soo Celiyo, iyagoo xiriir la sameeyay Xafiiska Ergayga Gaarka ah ee Xuquuqda Caruurta iyo Tahriibayaasha ee Xafiiska R/Wasaaraha.

     Munaasabadda soo dhaweynta oo si heersare ah looga soo shaqeeyay ayaa waxaa wasiiru dowlaha Amniga ku wehlinayay, Wakiilo ka socday Xafiiska Ergayga Gaarka ah ee Xuquuqda Caruurta iyo Tahriibayaasha ee Xafiiska R/Wasaaraha Ambassador Maryama Yaasiin, iyo Wakiilo Safaaradda Soomaliyeed dalka Libya, Hay’adda IOM iyo hay’adda Qaxootiga ee QM ee UNHCR.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip