Madaxda Hay'adda Tayo-Dhowrka Soomaaliyeed Oo Ka Hortimid Isbedel Lagu Sameeyay

0
Wednesday January 12, 2022 - 13:02:23 in Wararka by
  • Visits: 251
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxda Hay'adda Tayo-Dhowrka Soomaaliyeed Oo Ka Hortimid Isbedel Lagu Sameeyay

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Maareeyihii guud ee Hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed Aadan Xasan Barre ayaa ka horyimid shaqo joojin uu shalay ku sameeyay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Khaliif Cabdi Cumar.

Qoraal kasoo baxay Maareeye ku-xigeenka Hay’adda Tayo-dhowrka Ceyndaruus Macalin Xasan ayuu sharci darro ku tilmaamay shaqo joojinta uu Wasiirka Ganacsiga ku sameeyay Maareeyihii Hay’adda Tayo-dhowrka, kuna sheegay Warqada soo baxday mid aan waafaqsaneynin Dastuurka.

Maareeye ku-xigeenka Hay’adda Tayo-dhowrka Ceyndaruus Macalin ayaa caddeeyay in aysan aqoonsaneynin Isbedelka uu sameeyay Wasiirka Ganacsiga, isagoona xusay in tallaabada uu qaaday Wasiirka aan loo marin waddo sharci ah.

Sidoo kale Qoraalka Maareeye ku-xigeenka ayaa lagu sheegay in baraha Bulshada ku arkeen Warqad uu qoray Wasiir Khaliif Cabdi, isla markaana hab-raac sharci darro ah uu shaqadii Hay’adda Tayo-dhowrka ugu wareejiyay Shirkad gaar loo leeyahay.

Wareegto uu soo saaray Wasiir Khaliif Cabdi ayuu shaqada uga joojiyay Maareeyihii guud ee Hay’adda Tayo-dhowrka, waxaana lagu eedeeyay xadgudubyo kala duwan uu ku kacay iyo Wadashaqeyn la’aanta Mas’uuliyiinta kale ee Hay’adda.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip