SAWIRO:' Wararkii ugu dambeeyay qaraxa ka dhacay Muqdisho

0
Wednesday January 12, 2022 - 12:00:00 in Wararka by
  • Visits: 175
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SAWIRO:' Wararkii ugu dambeeyay qaraxa ka dhacay Muqdisho

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qarax Ismiidaamin ah oo Maanta ka dhacay Wadada 21ka October ee Dagmada Waabari, kaas oo jugtiisa laga maqlay qaar kamid ah degmooyinka Magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa waxaa la sheegay uu ahaa Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, kaas oo lagu weeraray Gaari ay wateen Saraakiil katirsan Hay’adaha UN-ka xilli ay marayeen meel u dhow Wadada aada Airporka ee ka baxda dhinaca Wadada 21ka October.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxa ay ku dhinteen 4 Ruux oo isugu jira, Askar ilaalo u aheyd Saraakiisha ka tirsan Hay’adaha UN-ka iyo dad Shacab ah oo wadada marayay halka dad kale ay ku dhaaeacmeen.

Sawiro laga soo qaaday Goobta uu ka dhacay qaraxa ayaa muujinayay Gawaari nooca raaxada ah oo uu qaraxa burburiyay, waxanaa Isbitaallada qaar ee Muqdisho la geeyay qaar kamid ah dadka ku dhaaeacmay qaraxa.

laaha Amniga dowladda Soomaaliya ayaa waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ay faah faahin Guud ka bixiyaan qaraxa iyo khasaaraha uu geystay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip