Daily Mirror: Xiisaha Man United Ee Toni Kroos Cadeyn U Ah In Macalin Van Gaal Uu Waayay Shaqadiisa Old Trafford

0
Thursday April 28, 2016 - 13:20:49 in Sports News by
  • Visits: 645
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daily Mirror: Xiisaha Man United Ee Toni Kroos Cadeyn U Ah In Macalin Van Gaal Uu Waayay Shaqadiisa Old Trafford

    Macalinka Man United ee Louis Van Gaal ayaa maalinba maalinta ka danbeysa la kumaya mugdi ku aadan mustaqbalkiisa kooxda iyadoo sida aan shalay idiin soo tabinayba uu wakiilkiisa Jorge Mendes ku sugan yahay magaalada Manchester taasoo cadaadiska ku s

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Macalinka Man United ee Louis Van Gaal ayaa maalinba maalinta ka danbeysa la kumaya mugdi ku aadan mustaqbalkiisa kooxda iyadoo sida aan shalay idiin soo tabinayba uu wakiilkiisa Jorge Mendes ku sugan yahay magaalada Manchester taasoo cadaadiska ku sii kordheysay macalinka ree Holland oo markii horeba xaalkiisa alow sahal ahaa.

Daily Mirror ayaa qortay sheeko kale oo macalinkaan mustaqbalkiisa shaki sii galineysa iyadoo tabineysa in kooxda ay diyaar u tahay soo xerogelinta xidiga khadka dhexe ee kooxda Real Madrid ee Toni Kroos kaasoo hore u diiday inuu mar labaad la shaqeeyo maclain Van Gaal oo ay hore ugu wada shaqeeyeen Bayern Munich.

United ayaa hore si weyn loola xiriirnayay saxiixa xidigaan wuxuuna macalinkii hore ee Man United ee David Moyes uu sheegay inuu aaminsanaa in saxiixa xidigaan uu ahaa mid soo dhamaaday laakin ay layaab ku noqotay markuu arkay Kroos oo u dhaqaaqay madrid kadib koobkii aduunka.

toni kroos

Hadaba xiriirka aan wanaagsaneyn ee labada nin ayaa keenay iney diidaan wada shaqeyntooda markale laakin in Man United ay raadiso soo dhameystirka saxiixiisa waxay cadeyn kale u noqon doontaa shaqo ka ceyriinta macalin Van Gaal oo shaki weyn uu ku jiro mustaqbalkiisa, sidaas waxaa daabacday Daily Mirror.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip