Warbixin: Maxaa Laga Bartay Kulankii Ay Xalay Atletico Guusha Ka Gaartay Bayern Munich ?

0
Thursday April 28, 2016 - 13:19:25 in Sports News by
  • Visits: 695
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warbixin: Maxaa Laga Bartay Kulankii Ay Xalay Atletico Guusha Ka Gaartay Bayern Munich ?

    Sual Niguez ayaa dhaliyay gool indho qabad leh isagoo aqriyay magaca afar kamid ah xidigaha Bayern kadibna kubad cajiib ah oo cagta bidix uu ku tuuray daba mariyay goolhaye Manuel Neur si uu kooxdiisa u siiyo guul 1-0 ah ka hor kulanka lugta labaad e

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sual Niguez ayaa dhaliyay gool indho qabad leh isagoo aqriyay magaca afar kamid ah xidigaha Bayern kadibna kubad cajiib ah oo cagta bidix uu ku tuuray daba mariyay goolhaye Manuel Neur si uu kooxdiisa u siiyo guul 1-0 ah ka hor kulanka lugta labaad ee UCL ee ka dhici doona gobolka Bavariam hadaba maxaan ka baranay kulankaas.

Isku Daygii Pep Ee Ahaa Orod Iyo Xirfad Oo Aan Shaqeynin

Maclainka Bayern ayaa ogaa in kooxda Atletico de Madrid ayuu macalinka ree Spain wuxuu doortay inuu xusho shax ku saleysan orod iyo xawaare sidoo kalana leh xirfad si uu u kala furo daafaca adag iyo xidigaha khadka dhexe ee tamarta badan ee RojoBlancos laakin taasi ayaana u shaqeyn macalinkaan iyadoo kooxda macalin Diego Semeone aysan marna qasaarin fursadaheeda ku saleysan kubada rogaalka celiska ah waxayna si buuxda meesha uga saareen orodkii xidagaha Bayern iyagoona awood u yeeshay iney hogaanka u qabtaan kulankaan iyagoo ku aadaya Bavaria hogaan 1-0 ah.

Saul Naguez Wuxuu Ka Faa;ideystay Fursadihiisa.

Aragtida suuqa ee Barcelona ayaa ah mid aad u dheer, kooxda Catalan ka ah ayaa David Villa ka iibisayay kooxda Atletico xili kooxda Calderón loo tixgalinayay koox iska awood dhexe waxyana markaas kooxda Catalans heshiiska xidigaas ku dareen in laga iibiyo midkood Saúl Ñiguez ama daaficii ku fashilmay Liverpool ee Javi Manquillo.

Sual

Saúl ayaa ahaa kaliya ciyaariyahan kamid ah kooxda Atletic laakin haatan wuxuu kamid yahay xidigaha uu ku duulaan tago Diego Simeone waxaana taas ka caawisay maadaama uu yahay xidig ka ciyaari kara boosas bada lehna tayo iyo tamar madaalenimo, wuxuu ahaa xidig ka ciyaara no.10 markii ay arkooneysa Barcelona, haatan wuxuu ka ciyaaraa khadka dhexe ee no.8 sidoo kale wuxuu raaxo ku dareemaa ka ciyaarista labada garab ee 7 iyo 11.

Ancelotti Waxaa Looga Baahan Yahay Inuu Xoriyad Siiyo Alaba.

Xidiga ugu boosas ciyaarista badan kubada cagta aduunka ee Alaba ayaa ku hungoobay inuu helo rajadiisii aheyd inuu helo xoriyad ka baxsan daafacashada markii ay kooxdiisa labo sano ka hor la soo wareegtay Juan Bernat laakin dhaawacyo isdaba joog ah oo ku imaanayay Jerome Beoteng, Budstuber, Javi Martinez iyo kalsoonida xumada ku dhacday Mehdi Benetia ay keentay in xidigaa uu u laabto ka ciyaarista daafaca dhexe, inksatoo uu raaxo ku dareemo ka ciyaarista booskaas hadana waxaa cad inuu gabay hal abuurkiisii joogtada ahaa iyo kubadii weerarka ku dhisnaa ee uu xidigaan lahaa.

Alaba

Wuxuu xulkiisa kaga ciyaaraa khadka dhexe isagoo halkaasi ka qabta masuuliyada xulkiisa laakin labadii sano uu Pep ka ciyaarsiiyay daafaca dhexe ayaa xidigaan dib u dhac weyn ku keentay.

Kubada Magaalada Madrid Waxay Kakala Timaadaa Labo Dhinac Oo Aad U Kala Duwan.

Real Madrid oo kaliya wax ka yar sadex mile u jirta halka ay dagan tahay kooxda Rojoblancos ay soo iibsata xidigaha ugu magaca weyn caalamka sidoo kale waxaa lagu dhisaa siyaasad ah Galacticos, taas cagsigeeda kooxda Atletico ayaa ku dhistay kooxdeeda xidigo da’yar ah oo ka soo baxay kuliyadooda barbaarinta da’yarta.


Suala and Pep

Koke, Fernando Torres, Gabi iyo Saúl – ayaa dhamaan ku bilowday kulan muhiim ah oo Champions League afar dhamaadkiisa ah taasoo cadeyn ah sida uu macalinka ree Argentina uu aaminsan yahay xidigaha kasoo baxa kuliyadaha hoose ee kooxda, taas ayaa ah mid aad uga duwan tan ay ku shaqeyso kooxda Los Blancos.

Xidagah Ree Spain Ee Kooxda Bayern Oo Ku Dhibtooday Ku Soo Laabashada Wadankooda.

Xabi Alonso, Juan Bernet, Thiagi Alcantra iyo Javi Martinez ayeey dhamaan soo martay habeen ay iska ilobaan iyadoo labo kamid ah xidigahaas ay kamid ahaayeen afartii xidig ee uu Sual aqriyay magacooda si uu shabaqa u soo taabto waxayna afarta xidigba waayeen hal abuurkii iyo daafacashadii looga baahnaa taasoo cadeyenysaa iney xidigahaan ku dhibtoodeen ku soo guryo noqoashadooda wadankoodii hooyo.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip