Sky Sports: Delli Alli Oo Aqbalay Dacwadii Anshax Xumada Aheyd Ee Ay Ku Soo Rogeen Xiriirka Kubada Cagta Ingiriiska Iyo Xidigaan Oo Seegi Doona Inta Ka Hartay Xili CIyaareedkaan

0
Thursday April 28, 2016 - 13:14:58 in Sports News by
  • Visits: 661
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sky Sports: Delli Alli Oo Aqbalay Dacwadii Anshax Xumada Aheyd Ee Ay Ku Soo Rogeen Xiriirka Kubada Cagta Ingiriiska Iyo Xidigaan Oo Seegi Doona Inta Ka Hartay Xili CIyaareedkaan

    Da;yarka kooxda Tottenham ee Delli Alli ayaa aqbalay dacwadii aheyd inuu si ula kac ah feer ula dhacay ciyaariyahanka kooxda West Brom ee Yackoob waxaana la ganaaxi doonaa ingta ka hartay xili ciyaareedkaan, sidaasi waxaa qortay Sky Sports.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Da;yarka kooxda Tottenham ee Delli Alli ayaa aqbalay dacwadii aheyd inuu si ula kac ah feer ula dhacay ciyaariyahanka kooxda West Brom ee Yackoob waxaana la ganaaxi doonaa ingta ka hartay xili ciyaareedkaan, sidaasi waxaa qortay Sky Sports.

Da’yarka u soo baxaya ingiriiska ayaa qalad ku kacay kulankii ay kooxdiisa barbaraha la gashay kooxda Baggies ka isagoo xerada ganaaxa dhexdeeda caloosha kaga feeray Yackoob oo ay kubad isku heysteen waxayna taasi keentay in dacwad lagu soo oogo xidigaan, aqbalitaankiisa dacwada lagu soo oogay ayaana keeneysa inuu ku muteysto ganaax sadex kulan ah waana inta ka hartay horyaalka ay tartanka adag ugu jiraan ee Epl.

Arintaan ayaa dhabarjab weyn ku noqneysa macalinka kooxda Spurs ee Maurico Pochetino kaasoo si weyn uga tashanayay xidigaan laakin haatan ay caqabad kala kulamaya soo xulashadiisa.

dele-alli and yacob-claudio-

Tottenham ayaa todobaad dhamaadkaan la ciyaareysa kooxda Chelsea waxayna kaliyta ku duceysan karaan iney iyaga ka adkaadaan Blues sidoo kale ay kooxda Leicester guuleysan weyso dhaman sadexda kulan ee u hartay, laakin guuldaro ay Blues kala kulmaan isniinta ama guul ay dawacooyinka duulaanka ah ku gaaraan Old Trafford ayaa xaqiijin doonta iney sanad kale sugaan hanashada horyaalka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip