Taliska Ciidanka xoogga oo sheegay inay howlgal ku dileen Saraakiil katirsan Al-Shabaab

0
Monday January 10, 2022 - 07:07:45 in Wararka by
  • Visits: 241
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliska Ciidanka xoogga oo sheegay inay howlgal ku dileen Saraakiil katirsan Al-Shabaab

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee Gor-gor ayaa degaan u dhow degaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ay dagaal adag kula galeen dagaalamayaal katirsan Ururka Al-Shabaab.

War kasoo baxay Taliska Ciidanka xoogga dalka ayaa lagu sheegay in howlgal ay Ciidanka Gorgor ku qaadeen degaanka ay ku sugnaayeen Al-Shabaab ay ku dileen ku dhawaad 25 isugu jira Saraakiil & Xubno katirsan Al-Shabaab.

 

"Waxaa Ciidanka kumaandooska xoogga howlgal qorsheeysan ku gaareen inta u dhexeeysa degaannada Tawakal iyo Bariire iyadoo halkaasi uu ka dhacay dagaal xoogan kaasi oo Jab xoogan lagu gaarsiiyay Al-Shabaab ayaa lagu yiri” War kasoo baxay Saraakiisha Ciidamada.

Taliyaha Ururka 4-aad Guutada 17-aad kumaandooska xoogga dalka ee Gor-gor (Dhamme Nageeye) ayaa Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida u sheegay in ciidanka ay kawarheleen in Al-Shabaab ay isku uruursanayaan inta dhexeeysa degaanka Bariire iyo tuulada Tawakal ee gobolka Shabeellaha hoose kuwaasi oo Shacabka Soomaaliyeed u maleegayay dhagar.

Taliyaha ayaa tilmaamay inay Al-Shabaab gaarsiiyeen khasaare xoogan, isla markaana ay ka dileen 25 Xubnood iyo dhaawac intaasi kabadan isagoona xusay inay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab sii wadi doonaan.

Degaannada iyo degmooyinka Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ku sugan Ciidamo farabadan oo katirsan kuwa xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, iyaga oo halkaasi dagaalo adag kula gala Al-Shabaab.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip