Sarkaal lagu dilay Garoowe & dad loo qabtay

0
Monday January 10, 2022 - 07:04:39 in Wararka by
  • Visits: 193
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal lagu dilay Garoowe & dad loo qabtay

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Rag aan weli la aqoonsan ayaa waxaa Magaalada Garoowe ee Caasimadda dowlad Goboleedka Puntland ku dileen Cabdikaafi Cabdixaafid oo ahaa sarkaal ka tirsan dowladda-hoose ee Magaalada Garoowe.

Duqa degmada Garoowe Axmed Saciid Muuse oo ka hadlay dilkaas ayaa dadweynaha ka codsaday in ciidanka ammaanka ay ku caawiyaan xogta kiiskan iyo cidda dishey.

”Waxaa la diley Cabdikaafi Cabdixafiid oo ka tirsanaa shaqaalaha Dawladda Hoose ee Garoowe. Illaahay janadii haka waraabiyo, ehelkiina samir allaha ka siiyo. Waxaan dadweynaha ka codsanaynaa inay ciidanka amniga kala qaybqaataan sidii xogta dembiilayaasha lagu heli lahaa ayuu qoraal kuyiri” Duwa degmada Garoowe.

Ciidamada Booliska Magaalada Garoowe ayaan si faah faahsan uga hadlin dilka loo geystay sarkaal ka tirsanaa Dowladda Hoose ee Garoowe, balse ay sheegeen inaybaaritaanno ku wadaan tuhmanayaal loo qabtay dilka




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip