Midowga Musharaxiinta oo cadeeyey mowqifkooda ku aadan go'aanadii shirka Golaha Wadatashiga

0
Sunday January 09, 2022 - 23:59:58 in Wararka by
  • Visits: 192
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Midowga Musharaxiinta oo cadeeyey mowqifkooda ku aadan go'aanadii shirka Golaha Wadatashiga

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa soo dhoweeyey war-murtiyeedkii galabta ka soo baxay shirka Golaha Wadashiga Qaranka oo Muqdisho ka socday mudo todobaad ah.

Midowga Musharaxiinta ayaa Ra’iisul wasaaraha iyo madaxda dowlad goboleedyada ku amaanay tixgelinta la siiyey talooyinkii ay la wadaageen ee ku aadanaa sixitaanka habraaca doorashooyinka.

Sidoo kale Musharaxiinta ayaa bayaankaan madaxda Golaha Wadatashiga Qaran uga dalbaday inay is waafajiyaan habraaca iyo habdhaqanka doorashada.

"Goluhu wuxuu adkaynayaa in Ra’iisul wasaaraha iyo golaha wasiirrada ay si buuxda masuul uga yihiin amniga dalka, madaxweynihii horena uu ku ekaado murashaxnimadiisa. Goluhu wuxuu soo dhowaynayaa ballanqaadka Ra’iisul wasaare Rooble ee ku aaddanaa mas’uuliyadda xukuumadda ee amniga dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka Midowga Musharaxiinta.

 

Ugu dambeyntii Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa Ra’iisul wasaare Rooble ka dalbaday inuu kor-joogteeyo doorashada oo si booxda uu isaga xil-saaro daahfurnaanta doorashada.

"Goluhu wuxuu ku boorrinayaa Raysalwasaaraha in uu xil iska saaro dhaqangalka habraacyada, korjoogtaynta daahfurnaanta doorashada, furitaanka saaxadda siyaasadda oo ay ugu horrayso xorriyadda muddaaharaadka, kulammada, ololaha, safarka, iyo warbaahinta qaranka oo loo oggolaado musharrixiinta,” ayaa lagu yiri qoraalka Midowga Musharaxiinta.

Midowga Musharaxiinta oo cadeeyey mowqifkooda ku aadan go’aanadii shirka Golaha Wadatashiga



 
 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip