Maxaa looga hadlay kulankii caawa ee R/W ROOBLE, Kheyre iyo Sheekh Shariif?

0
Sunday January 09, 2022 - 22:59:54 in Wararka by
  • Visits: 224
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa looga hadlay kulankii caawa ee R/W ROOBLE, Kheyre iyo Sheekh Shariif?

    ,,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

,,

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa kulan gaar ah la qaatay Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre, kulanka ayaa ka dhacay xafiiska Rooble.

Qoraal kooban oo xafiiska Ra’iisul wasaaraha uu ka soo saaray kulankaas waxaa lagu sheegay in looga hadlay hirgelinta heshiiskii uu maanta gaaray Golaha Wadatashiga Qaranka.

"Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa la kulmay Madaxweynihii hore Shariif Sheikh Axmed iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre oo ay ka wada hadleen hirgelinta heshiiskii uu maanta gaaray Golaha Wadatashiga Qaran ee dardar gelinta iyo dhammeystirka doorashooyinka,” ayaa lagu yiri qoraalkaan ka soo baxay xafiiska Rooble.

Kulankaan oo Rooble la yeeshay xubnahaan ka tirsan golaha midowga musharaxiinta ayaa ku soo aaday wax yar kadib markii uu soo baxay war-saxaafadeedkii ay madaxda golaha wadatashiga qaranka ku shaaciyeen heshiiska cusub ee hanaanka loo saxayo doorashada.

 

Dhammaan xubnaha midowga musharaxiinta ayaa maanta la kulmay madaxda golaha wadatashiga qaranka, iyagoo ku biiriyey talooyinkooda ku aadan sixitaanka cabashooyinka doorashada golaha shacabka.

Midowga Musharaxiinta weli bayaan kama soo saarin waxa ay ka qabaan is-fahankii galabta ka soo baxay shirkii 7-da cisho Muqdisho uga socday R/Wasaare Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada, lamana oga sida ay uga falceli doonaan.

Maxaa looga hadlay kulankii caawa ee R/W ROOBLE, Kheyre iyo Sheekh Shariif?




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip