Minnesota oo laga daahfuray urur ay ku midoobeen ganacsatada laga tirada badan yahay ee gobolkaas MMBA.
Xafladii lagu daahfuraayey ururkaan ayaa waxaa ka soo qaybgalay qaar ka mida siyaasiinta gobolka iyo ganacsato kala duwan oo dhamaantood soo dhaweeyey ururkaan sheegayna in looga fadhiyo waxqabad muuqda.
Sh Cabdiraxmaan Kaariye madaxa ururkaan MMBA ayaa HOL u sheegay baahida keentay aasaaska MMBA oo uu ku sheegay in marka hore loo baahday in la abaabulo ganacsatada laga tirada badan yahay ee gobolkaan lana darso baahiyaha caamka ah ee wada haysta , waxuuna sheegay shiikhu in ganacsatada ay haysto dhibaatooyin cunsuriyadeed oo ay kala kulmaan nidaamka dowliga ah loona baahan yahay in loo helo nidaam iskaashi leh oo qayb ka noqon karto difaacooda ganacsiyadooda maalkooda & sharafkooda
Mahad Xasan oo ka hadlaayey dhibatada haysata xarumaha xanaanada caruurta ee gobolkaan Minnesota ayaa sheegay in uruurkaan uu wax badan ka qaban doono caqabadaha haysta xarumahaas codna uu u noqon karo.
Waxaa kaloo kulankaan ka soo qaybgalay Jamal Cusmaan oo ah xubin gole dagaan ka ah Magaaladda Minneapolis , Aisha Chughtai oo sanadkaan loo doortay MPLS xubin gole deegaan,Jeremiah Ellison oo isaguna xubin gole deegaan ka ah Minneapolis iyo Simon Trautmann oo Magaaladda Richfeild ee gobolkan Minnesota xubin gole deegaan ka ah isla markaana sanadkaan u taagan in xeer ilaaliye uu ka noqdo dagmadda Hennepin ee gobolka, waxayna dhamaantood bogaadiyeen soona dhaweeyeen daahfurka MMBA.
Siyad S Salah Hiiraan Online , Minneapolis,,MN Siyad@hiiraan.com
Minnesota oo laga daahfuray urur ay ku midoobeen ganacsatada laga tirada badan yahay ee gobolkaas MMBA.
...