Boqolaal Ruux Oo Lagu Diley Gobolka Zamfara Dalka Nigeria

0
Sunday January 09, 2022 - 22:21:56 in Wararka by
  • Visits: 198
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Boqolaal Ruux Oo Lagu Diley Gobolka Zamfara Dalka Nigeria

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...
Ugu yaraan 200 oo qof oo ku nool gobolka Zamfara ee waqooyi-galbeed ee Nigeria ayaa lagu dilay mowjado weeraro ah oo ay gaysteen maleeshiyaad hubeysan, sida ay sheegeen dadka deegaanka.Weeraradan ayaa la rumeysan yahay inay jawaab u yihiin weeraro dhanka cirka ah oo ciidamada cirka ay ku dileen in ka badan 100 dagaalyahan maalintii Isniinta, kuwa kalena ay ku khasbeen inay ka baxaan meelaha keymaha ah.

Dableyda weerarka geysatay ayaa gubtay guryo, sidoo kalena waxay googooyeen meydadka dadka ay dileen.

Mid ka mid ah dadka deggan tuulooyinkaas ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in dableydu ay tooganayeen qof kasta oo la arko.

Weeraradan ayaa ah kuwii ugu dambeeyay ee mowjado rabshado wata oo ka dhacay waqooyi-galbeed Nigeria, halkaasoo dowladda dhexe ay muddo dheer dagaal kula jirtay kooxo dambiilayaal ah oo maxalli ah oo ay ku tilmaantay burcad.

Kooxahan burcadda ah ayaa ah shabakado isku xiran oo aad u adag,kuwaasi oo ka howlgala dhul baaxad leh,waxayna inta badan dhacaan xoolaha, afduubta dadka isla markaan madaxfurasho ka qaata waxayna dilaan dadka ka horyimaada amaradooda.

Jimcihii ayaa markii hore la sheegay in in ka badan 100 qof ay ku dileen dabley looga shakisan yahay burcada gobolka, ka dib markii ilaa 300 oo dabley ah oo wata mooto bajaaj ay soo gaareen ilaa sagaal beelood intii u dhaxeysay Talaadadii iyo habeenkii Khamiista.

Idi Musa, oo degan tuulo kale, ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in kooxda weerarka geysatay ay sidoo kale dhaceen ku dhawaad ​​2,000 oo lo’ ah.

Dhanka kale, warbaahinta gudaha ayaa sheegtay in kooxaha hubeysan ay u muuqdaan inay isaga tagayaan meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan dhulka keymaha ah, si ay uga jawaabaan weerarada joogtada ah ee dowladda, taa badalkeedana ay u dhaqaaqaan dhanka galbeed ee gobolka Zamfara.


Bayaan uu soo saaray Sabtidii shalay, madaxweynaha Nigeria Muhammadu Buhari ayaa ballan qaaday in dowladdu aysan ka hari doonin dagaalka ay kula jirto kooxaha hubeysan.
Arbacadii, dowladda Nigeria ayaa si rasmi ah ugu tilmaantay burcadda argagixiso, taasoo u ogolaatay ciidamada ammaanka inay cunaqabatayn adag ku soo rogaan kooxaha iyo taageerayaashooda.

Ciidamada Nigeria ayaa todobaadkan sheegay inay gobolka ku dileen 537 burcad hubaysan iyo kuwo kale oo dambiilayaal ah waxayna xireen 374 kale tan iyo bishii May ee sanadkii hore.

Boqolaal ruux oo lagu diley gobolka Zamfara dalka Nigeria - Jowhar somali news leader



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip