Cabdixakiin Dhoobo daareed: Wixii Boosaso ka dhacay waa inay jirtaa cid masuuliyaddeeda lagula xisaabtamo

0
Sunday January 09, 2022 - 13:47:27 in Wararka by
  • Visits: 182
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cabdixakiin Dhoobo daareed: Wixii Boosaso ka dhacay waa inay jirtaa cid masuuliyaddeeda lagula xisaabtamo

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...
 Guddoomiyihii hore ee barlamaanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed ( Dhoobo-daareed) ayaa sheegay in loo baahan yahay colaaddii ka dhacday magaalada Bosaso in ay jirto cid masuuliyadeeda yeelata oo lagula xisaabtamo.
"Bosaso wixii ka dhacay oo dhibaato ah oo barakac ah oo dil ah oo qaxin ah, in masuuliyadeeda ciddi qaadato, ayaa loo baahan yahay. Arrintaasi ilaaheey wuu idin weydiinayaa guddigiina,” ayuu yiri guddoomiyihii hore ee barlamaanka Puntland .


Cabdixakiin Dhoobbo-daareed ayaa ku eedeeyay maamulka madaxweyne Deni inuu ku kacay dhibaatooyin badan oo u baahan in dib looga farriisto, waxna la iska weydiiyo sidii loo saxi lahaa.

Hadalka guddoomiyihii hore ee barlamaanka Puntland ayaa kusoo aadaya iyadoo maanta lagu wado inuu soo baxo heshiis laga gaaray khilaafkii u dhaxeeyay madaxweyne Deni iyo hay’adda PSF, khilaafkaas oo sababay colaadda Bosaso.

Guddiga dhex dhexaadinta ayaa gaaray go'aanno labada dhinac ay ku wada qanacsan yihiin sida aan xogta ku helayno, kuwaas oo aan warbaahinta loosoo bandhigin, hase yeeshee la filayo in la shaaciyo.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip