Guddoomiye Cali Jeyte "Dowladda way ka gaabisay wax ka qabashada abaaraha ka jira gobolka Hiiraan"

0
Sunday January 09, 2022 - 11:38:06 in Wararka by
  • Visits: 258
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiye Cali Jeyte "Dowladda way ka gaabisay wax ka qabashada abaaraha ka jira gobolka Hiiraan"

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...
    Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo ka hadlaayay abaaraha ka jira gobolka Hiiraan ayaa si adag ugu dhalilay dowladda Soomaaliya iney indhaha ka qabsatay wax ka qabashada abaarta ka jirta Hiiraan.

 
 
Guddoomiye Jeyte ayaa tilmaamay in maamulkiisa uu xiriir la sameeyay guddiga dowladda Soomaaliya u xilsaartay wax ka qabashada abaaraha ka jira dalka, islamarkaana ay waayeen cid usoo jawaabta waa sida u hadalka u dhigay guddoomiye Jeyte.


"Dadka reer Hiiraan way isku tashteen oo hadda waxay u wada istaageen maamulka, Culumada, Odayaasha, ganacsatada iyo Ururada bulshada Rayidka intaba waxay hayeen way isku darsadeen, guddiga Gurmadaka Abaaraha ee laga magacaabay Xafiiska Raysal wasaaraha si weyn baan u dhaliilaya ilaa hada nama soo gaarin hadaan la xariirnayna wax jawaab ah kama helin, marka kaalmo ayaan u baahanahay dowladda ha ina kaalmeyso, maamulka Hirshabeelle ha ina kaalmeeyo" ayuu yiri guddoomiye Jeyte.

Hadalkaan ayuu ka sheegay guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte kulan uu kula yeeshay xafiiskiisa magaalada Baledweyne guddi u istaagay sidii wax looga qaban lahaa abaaraha baahsan ee ka jira deegaanada gobolka Hiiraa



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip