Hooyada Dhashay Cristiano Ronaldo Ee Dolores Aveiro Oo Sheegtay In Wiilkeeda Diyaar U Noqon Doono Kulanka Man CIty, Sidoo Kalena Niyad Jabisa PSG Iyo Man United

0
Thursday April 28, 2016 - 13:07:59 in Sports News by
  • Visits: 646
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hooyada Dhashay Cristiano Ronaldo Ee Dolores Aveiro Oo Sheegtay In Wiilkeeda Diyaar U Noqon Doono Kulanka Man CIty, Sidoo Kalena Niyad Jabisa PSG Iyo Man United

    Hooyada dhashay xidiga Real Madrid ee Cristiano Ronaldo oo lagu magacaabo Dolores Aveiro ayaa sheegtay in wiilkeeda xaaladiisa ay haatan tahay boqolkiiba 80 mid taam ah inta ka hartayna ay rajeyneyso inuu si buuxdo uga soo kabto ka hor kulanka lugta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hooyada dhashay xidiga Real Madrid ee Cristiano Ronaldo oo lagu magacaabo Dolores Aveiro ayaa sheegtay in wiilkeeda xaaladiisa ay haatan tahay boqolkiiba 80 mid taam ah inta ka hartayna ay rajeyneyso inuu si buuxdo uga soo kabto ka hor kulanka lugta labaad ee Champions league ee Man City.

RON ayaa habeen hore daawade ka ahaa kulankii lugtii koowaad ee Champiosn league kadib mariii uu ku guuldareystay tijaabooyinkii ugu danbeeyay ee lagu sameeyay ka hor kulankaas.

Dolores oo xalay ka hadleysa halkii ay ku sameyneysay bandhiga buugeeda ay uga hadleyso noloshoodii ayaa tiri "Waqti xaadrikaan xaaladisia waa mid hagaagsan boqolkiiba 80 laakin waxaa rajeynayaa inuu todobaadka danbe taam ahaan doono boqolkiiba 100”.

cristiano-ronaldo-mother

Dhanka kale maadama dhashay xidigaan ayaa xaqiijisay in wiilkeeda uu rajeynayo inuu waayihiisa ciyaareed ku dhameysto kooxda Madrid waxayna tiri "Wuxuu ku faraxsan yahay Madrid, wuxuu rajeynayaa inuu waayihiisa ciyaareed ku dhameysto halkaan, waa meel aad looga qiimeeyo isna uu u qiimeeyo, wuu faraxsan yahay wuxuuna marwaliba rabaa wax badan”.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip