Mid kamid ah Ergadii soo xushay Baarlamaanka oo Muqdisho lagu dilay

0
Sunday January 09, 2022 - 11:33:14 in Wararka by
  • Visits: 185
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mid kamid ah Ergadii soo xushay Baarlamaanka oo Muqdisho lagu dilay

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Xubno ka tirsan Al-Shabaab ayaa xaafad ka tirsan degmada Wartanabadda ee Gobolkan Banaadir kudileen mid kamid ah Ergadii soo xushay Xildhibaannadii Baarlamaankii 10aad ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Ninka la dilaya ayaa Al-Shabaab maciisa waxaa ay ku sheegeen Ismaaciil Maxamed Aadan, oyada oo kooxihii ka dambeeyay dilkaas ay Goobta ka baxsadeen.

 

Dilka kadib Ciidamo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa tegay halka uu dilka ka dhacay, iyaga oo sameeyay howlgallo ay ku baadi goobayeen dadkii ka dambeeyay dilkaas walow aysan ku guuleysan.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda dilkaas, waxaana warar ay ku qoreen Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka ku sheegeen in Ninka ay dileen uu kamid ahaa Ergada soo xushay Xildhibaannada Baarlamaanka balse aysan sii bixin faah faahin dheeraad ah.

Horay ayaa Magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah Gobolada dalka waxaa ay ugu dileen qaar kamid ah Ergada soo xushay Baarlamaanka halka qaar ay degaannadooda ugu yeereen, iyaga oo sheegay in la cafiyay markii ay amarkooda qaateen




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip