Dagaal ka socdo Magaalada Guriceel

0
Sunday January 09, 2022 - 14:11:12 in Wararka by
  • Visits: 209
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaal ka socdo Magaalada Guriceel

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Wararka naga soo gaarayo Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya inuu halkaas ka socdo dagaal u dhaxeeyo ciidamo kawada tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya.

     Dagaalka ayaa wuxuu u dhaxeeyaa ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Galmudug iyo ciidamada Gorgor oo Magaalada Guriceel loo geeyey dagaalkii lagula jiray kooxda Ahlu Sunna.

    Is rasaaseynta ayaa ka dambeeysay khilaaf ka dhashay Askar ka tirsan Ciidamada Gorgor oo ka mid noqday Dad ay xireen shalay Ciidanka Booliska laguna eedeeyay falal amni darro in ay qayb ka ahaayeen.

      Ciidamo ka tirsan kuwa Gorgor oo ka carooday xariga Ciidamada kale ayaa gudaha u galay degmada Guriceel, taas oo keentay inay isku dhacaan iyaga iyo Ciidamada Booliska ee Saldhiga degmada Guriceel.

      Sida ay dad goobjoogayaal ah sheegtay in ay u xaqiijiyeen Caasimadda Online, dagaalka ayaa waxaa ay u sheegeen in ay ku dhinteen laba Askari halka laba qof kale oo mid kamid ah yahay Shacab ay ku dhaawacmeen.

     Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in labada Ciidan ee degaalamay ay weli is hor-fahdiyaan, waxaana Ciidamada Gorgor ay joogaan Agagaarka Shirkadda Beder 1 halka Ciidanka Booliska ay ku sugan yihiin Saldhiga Booliska illaa dhabarka Dambe ee Quraca Maqaayadda Xaddiyo Cad.

Dagaal ka socdo Magaalada Guriceel


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip