Golaha Wadatashiga Oo Maanta Kulan Gaar Ah La Yeelanaya Midowga Musharaxiinta

0
Sunday January 09, 2022 - 07:58:16 in Wararka by
  • Visits: 157
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Wadatashiga Oo Maanta Kulan Gaar Ah La Yeelanaya Midowga Musharaxiinta

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo ay ku mideysan yihiin Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, Madaxda shanta dowlad Goboleed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa Maanta oo Axad ah galaya maalintii 6-aad.

Golaha Wadatashiga ayaa Shirkooda waxaa ay Maanta kulan kula yeelan doonaan Midowga Musharaxiinta oo ay uga dhageysan doonaan mar kale cabashooyinka ay ka qabaan doorashada dalka oo ay horey u soo gudbiyeen Midowga.

Musharaxiinta ayaa Golaha Wadatashiga u gudbinaya cabashooyinka ay ka qabaan hufnaan iyo daahfurnaan la’aanta doorashada, waxaana kulankaas Maanta ka qeyb galaya inta badan xubnaha Midowga oo ay ku jiraan Madaxdii hore ee Soomaaliya.

Shirka Golaha Wadatashiga ee maalmihii lasoo dhaafay ka socday Muqdisho ee looga hadlaayay saxida waxyaabihii ka khalmaday doorashada iyo jaangoynta xiliga lasoo gaba-gabeeynayo doorashada Golaha Shacabka ayaa la filayaa in lasoo gaba-gabeeyo.

Warar lagu kalsoonaan karo oo la helayo ayaa sheegaya in Madaxda Golaha ay is afgarad ka gaareen Qodobada Shirka intooda badan oo ay ugu weyn tahay arrinta amniga dalka oo la sheegay in la isku raacay in lagu wareejiyo Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM.

Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kulamo Wadatashi ah la yeeshan Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha, Wakiilada Beesha Caalamka iyo Ururrada Bulshada Rayidka, iyagoona ka dhageystay tallooyin ku aadan doorashooyinka dalka.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip