South Korea oo Kordhisay Xayiradda Safardadda Wadamo Somaliya Ku Jirto

0
Saturday January 08, 2022 - 23:38:30 in Wararka by
  • Visits: 140
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    South Korea oo Kordhisay Xayiradda Safardadda Wadamo Somaliya Ku Jirto

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Dowladda South Korea ayaa kordhin doonta xayiraada safarka lix wadan oo ku yaal Bariga Dhexe iyo Afrika iyo sidoo kale qaybo ka mid ah Philippines muddo lix bilood ah sababo la xiriira khataro amni oo daba dheeraatay ee Carona Virus.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka South Korea ayaa lagu sheegay hadalkan.

Mamnuucidda ayaa loo qorsheeyay inay dhacdo Janaayo 31, sida ay sheegtay Wakaalada Wararka ee Yonhap.

Waxaa la gaarsiin doonaa Ciraaq, Suuriya, Yemen, Liibiya, Soomaaliya, Afgaanistaan ​​iyo gobolka koonfureed ee jasiiradaha Filibiin — Jasiiradda Zamboanga, Sulu, Basilan iyo Tawi-Tawi.

Gobollada la magacaabay waxay la kulmayaan khataro joogto ah oo ah weeraro argagixiso iyo xasillooni darro siyaasadeed oo ay u badan tahay inay sii jirto muddo dheer, ayay raacisay,wasaaradda.

U safrida dalalka Ciraaq, Suuriya, Soomaaliya iyo Afgaanistaan ​​ayaa la mamnuucay tan iyo 2007-dii.

Dowladda Seoul waxay mamnuucday Yemen 2011, Liibiya 2014 iyo jasiiradaha Filibiin 2015.

Arintaan ayaa imaanaysa xili Caabuqa Carona uu soo laba kacleeyay,wuxuuna saameeyay dalal badan.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip