Laba Caruura oo mataano ah oo ku dhintay dab qabsaday hoygii ay ku noolaayeen

0
Saturday January 08, 2022 - 23:08:48 in Wararka by
  • Visits: 186
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Laba Caruura oo mataano ah oo ku dhintay dab qabsaday hoygii ay ku noolaayeen

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Laba Caruura oo mataano ah ayaa maanta ku dhintay dab qabsaday hoygii ay ku noolaayeen oo ku yaala degmada Dila ee gobolka Awdal gaar ahaan xaafada Laanta Hawada.

Ciidanka Dab-demiska Awdal oo gurmad u fidiyay ayaa damiyay dabka oo guriga wada haystay, sidoo kalena caruurta guriga dusha lagaga xidhay.

Ciidamada ayaa si degdega goobtaa u gaadhay, waxaana ay damiyeen dabkii, Isla markaana ka soo saareen maydka caruurtii.

Caruurta ayaa ahaa mataano da’adoodu ahayd 9 bilood , waxaana magacyadoodu kala ahaayeen Muuna Cabdiraxmaan Jaamac iyo Mahdiya Cabdiraxmaan Jaamac. Intaa kadib ciidamada ayaa baadhista iyo maydkii ku wareejiyay maamulka degmada.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip