QM oo soo dhoweysay Maxaabiistii laga sii daayay xabsiyada dalka Ethiopi.

0
Saturday January 08, 2022 - 10:07:09 in Wararka by
  • Visits: 114
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    QM oo soo dhoweysay Maxaabiistii laga sii daayay xabsiyada dalka Ethiopi.

    ,,,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

,,,

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa soo dhaweeyay sii deynta maxaabiista ay Itoobiya sii daysay, oo ay ku jiraan dad caan ah oo mucaarad ah, isagoo ku baaqay "in laga faa’iidaysto tallaabadan muhiimka ah ee kalsoonida lagu dhisayo” iyo in la joojiyo dagaalka.

War saxaafadeed uu soo saaray Jimcihii.

Guterres wuxuu carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la bilaabo "xabad joojin joogto ah” oo u gogol xaaraya in colaada wadankaasi lasoo afmeero.


Waxa uu sidoo kale carabka ku adkeeyay in uu filayo "horumar la taaban karo oo ku saabsan gargaarka bini’aadantinimo ee dhammaan goobaha ay dhibaatadu saameysey taas oo ka dhalatay colaadda sanadka jirtey,” isaga oo tixraacaya wadahadal uu dhawaan la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo ku saabsan arrintan



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip