Darawalada gaadiidka dadweynaha oo banaanbax ka dhigay Muqdisho

0
Saturday January 08, 2022 - 11:38:53 in Wararka by
  • Visits: 165
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Darawalada gaadiidka dadweynaha oo banaanbax ka dhigay Muqdisho

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Darawalada gaadiidka nooca dadweynaha ay raacaan ee ka howlgala degmooyinka Dharkeenley iyo Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa Maanta banaanbxa cabasho ah ka dhigay Magaalada Muqdisho.

Qaar ka mid ah gaadiidleyda ayaa si weyn uga soo horjeeday lacago aan sharci aheyn oo ay sheegeen inay ka qaatan Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka oo ku sugan degmooyinka Dharkeenley iyo Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Qaar kamid ah gaadiidleyda BL-ka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Ciidamo hubeysan ay Jid-gooyooyin u dhigteen gaadiidka ka howlgala degmooyinkaas, isla markaana looga qaado lacago aan sharci aheyn oo ay ku sheegeen inay tahay Baad.

Sidoo kale dadka dhigaayay banaanbaxa ayaa tilmaamay in xiliyada qaarkood Ciidanka lacagta ka qaada ay dhibaato u geystaan dadweynaha saaraan gaadiidka ay wadaan, lagana dhaco Moobeelada iyo waxyaabaha kale oo ay wataan, waa sida hadalka loo dhigay.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip