Puntland oo qabatay koox ka shaqeynaysay tahriibinta dhalinyarada

0
Saturday January 08, 2022 - 09:24:21 in Wararka by
  • Visits: 172
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland oo qabatay koox ka shaqeynaysay tahriibinta dhalinyarada

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso, ayaa sheegaya in halkaas lagu qabtay shabakad isku xiran, oo ka ganacsaneysay tahriibinta dhalinyarada.

Laamaha Amniga Puntland ayaa sida la sheegayo gacanta ku dhigay hoggaamiyihi shabakaddaas iyo xubno la socday xilli ay doonayeen in ay dhalinyaro ka daabulaan Boosaaso.

Wararku waxay intaas ku darayaan in dowladdu la wareegtay doonyo iyo gaadiid kale oo kooxdaas ku daabuli jireen dhalinyarada, si loogu tahriibiyo ilaa la gaarsiiyo ma-gafayaal ku sugan Yemen iyo Liibiya.

Laamaha Amniga Boosaaso weli faahfaahin kama bixin hawlgalkaas, mana soo bandhigin kooxdaas Boosaaso lagu qabtay




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip