DF oo dib u fasaxday terminal-kii laga xiray QM iyo AMISOM ee Aadan Cadde

0
Saturday January 08, 2022 - 15:01:51 in Wararka by
  • Visits: 217
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DF oo dib u fasaxday terminal-kii laga xiray QM iyo AMISOM ee Aadan Cadde

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka noqotay go’aankii ay horay ugu xirtay terminal-ka gaarka ah MOVCON ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, isla-markaana ay adeegsadaan hay’adaha Qaramada Midoobay, ciidamada AMSIOM iyo safaaradaha reer Galbeedka, sida ay sheegayaan wararka haatan soo baxaya ee laga helayo garoonka caalamiga ah ee magaalada Muqdisho.

Wasiirk Amniga Gudaha, Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa soo saaray amarka dib loogu fasaxay isticmaalka terminal-ka MOVCON, kaas oo ay fuliyeen hay’adaha ku shaqada leh.

    Sida aysheegtay in ay  ogaatay Caasimada Onlinearrintan ayaa waxa ay ku timid, kadib wada-hadallo dhexmaray Wasiirka Amniga iyo Diblumaasiyiinta ku sugan gudaha Xerada Xalane oo ka wada-hadlay xayiraadda la soo rogay oo ay horay uga horyimaadeen QM iyo AMISOM.

     Sidoo kale ilo wareedyo ku dhow hay’adda duulista rayidka oo aan la xiriirnay ayaa innoo xaqiijiyey in la fasaxay terminalka,  ayey sheegtay caasimadda online isla-markaana uu haatan sidii hore u shaqeynayo.

Amarka lagu xiray terminal-kan waxaa horey u soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo shaacisay in dhowr sababood loo xiray MOVCON oo ay ka mid tahay inay adeegsadaan rakaab aan aheyn QM iyo AMISOM, taasi oo jebineysa hanaanka socdaalka sharciga ah.

Warqadda kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibedda ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in marar badan ay dhacday in duulimaadyada QM ay soo cago dhigteen garoonka ayaga oo aan kahor waaxda socdaalka usoo gudbin dokumentiyada rasmiga ah

Go’aanka ay dib ugu fasaxday xukuumadda Rooble isticmaalka terminal-ka gaarka ah MOVCON ayaa ku soo aadayo xilli xasaasi ah, isla-markaana uu khilaaf horleh ka dhashay talaabadii uu qaaday Rooble ee ku aadan dib u celinta lacagtii lagala wareegay Imaaraadka.

Si kastaba wasiirada soo saaray amarka xirista iyo midka furista ayaa ah laba wasiir oo saaxiibo dhaw la kala ah Farmaaj iyo Rooble oo haatan isku hayo doorashooyinka dalka xigasho:caasimadda.net

DF oo dib u fasaxday terminal-kii laga xiray QM iyo AMISOM ee Aadan Cadde



 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip