Shirkii golaha wada-tashiga Qaran ee Maanta oo soo dhammaaday iyo qorshaha xiga

0
Saturday January 08, 2022 - 16:46:47 in Wararka by
  • Visits: 144
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkii golaha wada-tashiga Qaran ee Maanta oo soo dhammaaday iyo qorshaha xiga

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Daqiiqado ka hor ayuu soo dhammaaday shirkii Maanta ay mar kale isugu yimaadeen madaxda Maamul Goboleedyada Dalka, guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Kulanka Maanta oo intiisa badan looga wada hadlay tabashada kasoo laabatay kuraastii la doortay ee xubnaha Golaha Shacabka ayaa waxaa lasoo sheegayaa in madaxda ay isfaham badan ka gaareen.

Xubnaha Shirka ka qeybgalayey ayaa isku afgartay in Berri mar kale la isku soo noqdo iyadoo kulanka Berri lagu heshiiyey inay kasoo qeybgalaan xubno matalayo Golaha Midowga Musharixiinta Mucaaradka.

Kulanka Berri ayaa la filayaa in lagu soo afjaro cabashooyinka laga soo gudbiyey qaabkii ay u dhacday qaar kamid ah kuraasta Golaha Shacabka.

Qodobada ugu weyn ee Shirka Golaha Wadatashiga qaranka laga sugayo waa Amniga & Doorashooyinka, RW Rooble, Madaxda Dowlad-Goboleedyada Galmudug, Puntland, Hir-Shabeelle, Jubbaland, Koofur Galbeed & Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa aragti isku dhaafsaday madasha, waxaa dhiman in gunta loo galo qodobada muhiimka ah.

Maalinti Isniinta ah ayaa la filayaa sida uu qorshaha yahay in lasoo gabagabeeyo shirkaas lagana soo saaro war murtiyeed ku saabsan doorashada iyo Amnigeeda.

Shirkii golaha wada-tashiga Qaran ee Maanta oo soo dhammaaday iyo qorshaha xiga




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip