Farmaajo oo amray Guddoomiyaha Bankiga Dhexe inaan la bixin karin lacagtii laga qabtay Imaaraadka

0
Friday January 07, 2022 - 23:50:16 in Wararka by
  • Visits: 176
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Farmaajo oo amray Guddoomiyaha Bankiga Dhexe inaan la bixin karin lacagtii laga qabtay Imaaraadka

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo saaray go’aan ka dhan ah dib u celinta lacagtii dowladda Imaaradka ee galabta uu Ra’iisul Wasaare Rooble balan qaaday in xukuumadiisu ay dib ugu celinayso.

Farmaajo oo fariintaan ku socodsiiyey guddoomiyahaBangiga Dhexe ee dalka ayaa sheegay in lacagtaas sifo aan sharci aheyn dalka lagu soo geliyey 8-dii bishii Abriil ee sanadkii 2018-kii.

Madaxweyne Farmaajo ayaa guddoomiyaha Bangiga Dhexe ka dalbaday in uusan ogolaan in go’aanka Rooble sanduuqa dowladda looga bixiyo lacagtaas, isagoo go’aanka lacagta lagu celinayo ku tilmaamay mid hal nin qaatay.

Sidoo kale wareegtada Farmaajo waxaa lagu xusay in lacaagtaas ay waxyeeleyn karto amiga qaranka iyo dhaqaalaha dalka, hadii ay ka baxdo qasnada dowladda.

"Waxaa mamnuuc ah in go’aan hal masuul gaaray lagu bixiyo lacagtaas, iyadoo aan la marsiin hanaan waafaqsan shuruucda dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka uu Farmaajo soo saaray caawa.

Farmaajo oo amray Guddoomiyaha Bankiga Dhexe inaan la bixin karin lacagtii laga qabtay Imaaraadka



XIGASHO:-CAASIMADDA.NET


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip