Maraykanka Oo U Magacaabay David Satterfielf Ergeyga Gaarka Ah Ee Geeska Afrika

0
Friday January 07, 2022 - 13:16:16 in Wararka by
  • Visits: 204
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maraykanka Oo U Magacaabay David Satterfielf Ergeyga Gaarka Ah Ee Geeska Afrika

    .....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.....

Xoghayaha arrimaha dibadda Antony Blinken u magacaabay David Satterfield ergeyga gaarka ah ee Geeska Afrika u qaabilsan dowlada Maraykanka,kadib markii uu xilkaasi ka tegey Jeffrey Feltman.

Satterfield, oo ahaa safiirka Maraykanka u fadhiya dalka Turkiga ayaa leh afartan sano oo waayo-aragnimo ah.

       "Safiir Satterfield tobanaan sano ee waayo-aragnimada diblomaasiyadeed iyo ka shaqaynta ka dhex jirta qaar ka mid ah iskahorimaadyada ugu adag ee adduunka ayaa noqon doona xubin waxtar u leh dadaalkayaga joogtada ah ee lagu horumarinayo nabad iyo barwaaqo Geeska Afrika iyo horumarinta danaha Maraykanka ee gobolkan istaraatiijiga ah,” ayuu yiri Blinken.

          Feltman, oo ah dublamaasi Maraykan ah oo ruug-caddaa ah, waxa uu xilka la wareegay bishii April, waxana uu mudada xilka hayay ku soo beegmay laba xasarood oo waaweyn – dagaal sokeeye oo qotodheer oo ka socda Itoobiya oo u dhexeeya ciidammada daacadda u ah Jabhadda Xoraynta Shacabka Tigray (TPLF) iyo ciidanka Ra’iisal-wasaare Abiy Axmed. sidoo kale afgambi militari oo ka dhacay Suudaan bishii Oktoobar.



Maraykanka oo u magacaabay David Satterfielf Ergeyga gaarka ah ee Geeska Afrika - Jowhar somali news leader


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip