Digniin Hor Leh Oo Laga Soo Saaray Cudurka Nooca OMICRON Oo Sii Faafaya

0
Friday January 07, 2022 - 11:41:15 in Wararka by
  • Visits: 126
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Digniin Hor Leh Oo Laga Soo Saaray Cudurka Nooca OMICRON Oo Sii Faafaya

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa ka digay in nooca Omicron ee ka farcamay Covid-19 aan la dhayalsan, isagoo sheegay inuu dilayo dadka adduunka ku nool.

Daraasad dhowaan la sameeyay ayaa muujineysa in Omicron uusan aad u soo ridan dadka marka loo eego noocyadii hore ee Covid.

Balse tirada dadka uu ku dhacay ayaa culeys ku keentay waaxaha caafimaadka, sida uu sheegay madaxa WHO Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus.

Isniintii, Mareykanka ayaa diwaangeliyay in ka badan hal milyan oo kiisaska Covid ah 24 saacadood gudahood.

WHO – oo ah hay’adda caafimaadka ee QM – ayaa sheegtay in tirada kiisaska adduunka ay toddobaadkii la soo dhaafay kordheen 71%, iyadoo gudaha Americas ay kordheen 100%. Waxay sheegtay in 90% dadka ugu daran ee xanuunku ku dhacay aysan tallaalneyn.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip