NEWS Cabdiraxmaan Cabdishakuur:"Farmaajo Waxa Uu Wadaa Abaabul Ciidan Kicin Iyo Dhiillo Abuur Qabiil"

0
Thursday January 06, 2022 - 21:03:47 in Wararka by
  • Visits: 125
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    NEWS Cabdiraxmaan Cabdishakuur:"Farmaajo Waxa Uu Wadaa Abaabul Ciidan Kicin Iyo Dhiillo Abuur Qabiil"

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...
Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha muddo xilleedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdulaahi Farmaajo inuu wado abaabul dagaal iyo fashilinta shirka Wadatashiga Qaran.Qoraalo uu soo dhigey bartiisa Facebook ayuu sidoo kale ku eedeeyay Farmaajo inuu wado Kicin iyo dhiillo abuur qabiil.

Ugu horeyn qoraalka uu soo dhigey bartiisa Facebook Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa waxa uu ku bilaabay;

"Laga soo billaabo weerarkii xarunta Wadajir ee Dec 2017, ilaa isku daygii afganbi ee 27 Dec 2021, Farmaajo wuxuu qaaday 11 hawlgal ciidan oo uu ku beegsaday siyaasiyiin ka aragti duwan. Haatan wuxuu wadaa abaabul ciidan oo xerooyin gaar ah lagu ururinayo askar lagu xulay in ay daacad u yihiin. Waxaa la beddelayaa taliyayaal urur iyo horin oo lagu tuhunsan yahay in aysan dagaalkiisa daacad u ahayn.

Gadoodkii ciidan ee 24 April 2021 dhacay, waxaa ka dhashay heshiis ah in amniga dalka lagu wareejiyo Raysalwasaaraha. Qoddobka 103 ee Dastuurka wuxuu dhigayaa in haddii muddo xileedka dowladda uu dhammaado xukuumaddu ay si xilgaarsiin ah awoodda dalka ku sii haynayso. Sidoo kale ayaa

Qoddobka 99-aad, xarafkiisa (f) awood u siinayaa xukuumadda in ay u xilsaaran tahay sugidda nabadgelyada dalka iyo ilaalinta danaha dowladda.


Su’aashu waxay tahay kuwo ku doodaya Farmaajo oo 11 hawlgal ciidan u adeegsaday siyaasiyiin ka aragti duwan oo uu ugu danbeeyey Raysalwsaarihii dalka, amni iyo ciidan ha sii xukumo, miyaa nabad iyo doorasho raba? Mise dadka ku doodaya in amniga iyo talada ciidanka laga wareejiyo. Dalku wuxuu marayaa marxalad halis ah oo go’aano adag oo geesinimo leh u baahan.

Qoraal labaad oo uu sidoo kale soo dhigey bartiisa Facebook ayuu ku yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame;

"Waa damiir xumi tii ugu liidatay in dad danyar ah duruufta looga faa’iidaysto. Farmaajo iyo kooxdiisa waxay ku hawlan yihiin;-
1- Fashillinta Shirka Golaha Wadatashiga Qaran
2- Abaabul ciidan
3- Kicin iyo dhiillo abuur qabiil
Inta uu heli karo dhaqaale iyo awood ciidan dalku shiddo ka bixi maayo, keliya waxaan u baahanahay in aan iska kaashano sida ugu khasaaraha yar ee la isaga qaban karo.”



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip