Shabaab oo lagu jebiyay weerar culus oo saaka ku qaadeen Baxdo

0
Friday January 07, 2022 - 08:40:09 in Wararka by
  • Visits: 217
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shabaab oo lagu jebiyay weerar culus oo saaka ku qaadeen Baxdo

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Maleeshiyada Al Shabaab ayaa aroornimadii hore ee saaka dhowr jiho ka weeraray deegaanka Baxdo ee Gobolka Galgaduud, halkaasoo ay kula dagaalameen dadka deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya in dadka deegaanka ay si weyn isaga caabiyeen maleeshiyada Shabaabka, dagaalka xoogiisuna uu ka dhacay xaafadaha Koonfurta iyo Bariga Baxdo.

Xer isugu jirta culimo iyo dhallinyaro deegaanka ah ayaa la soo sheegaya in ay dagaal adag kala hortaggeen maleeshiyada Al Shabaab, isla-markaana ay ku khasbeen in ay dib u gurtaan.

Mahad Cismaan Diiriye oo ka mid ah dadka reer Baxdo ayaa sheegay in dadka deegaanka ay si ku habboon isaga caabiyeen maleeshiyadaasi.

"Nimankii Al Shabaab ahaa weerar gaadmo ah ayay ku soo qaadeen magaalada, markii hore gudaha magaalada ayay soo galeen, laakiin dadka deegaanka oo dhexda u xirtay waxay keentay inay ka difaacdaan magaaladooda.” Ayuu yiri Mahad Cismaan oo Universaltv la hadlay.

Mahad Cismaan ayaa yiri "Jabka iyo khasaaraha la gaarsiiyay nimankaasi lagama sheekayn karo, meel kasta waxaa lagu arkayaa dhiigooda oo ku qubtay wadooyinka xaafadaha. Baqa cararka ku dhacay waa mid ay taariikhdu xusi doonto.”

Mahad Cismaan ayaa intaasi ku daray "Shacabka, hadda waxay isugu soo baxeen wadooyinka magaalada, si ay ugu dabaaldeggaan guusha ay ka gaareen cadowga ummadda Soomaaliyeed.”

Ma cadda inta uu le’egyahay khasaaraha dadka deegaanka ka soo gaaray dagaalkaasi, waxaase la ogyahay in dhowr ka mida dhaawacyada dadka deegaanka la dhigay Isbitaalka Baxdo.

Maamulka Galmudug ayaan weli ka hadlin dagaalkan ugu dambeeyay ee ka dhacay deegaankaasi, waana xilli Shabaabku ay muddooyinkii ugu dambeysay kordhiyeen hujuumka ay ku hayaan deegaanada Galmudug.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip