Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika oo iscasilay

0
Thursday January 06, 2022 - 11:04:34 in Wararka by
  • Visits: 135
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika oo iscasilay

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika Jeffrey Feltman ayaa bishan xilka ka tagaya kadib in ka badan 9 bilood oo uu xilkaasi hayay, waxaana xilkaas la wareegaya David Satterfield oo ah safiirka Maraykanka u fadhiya Turkiga.

Feltman, oo ah dublamaasi Maraykan ah oo ruug-caddaa ah, waxa uu xilka la wareegay bishii April, waxana uu si degdeg ah isu arkay laba xasarood oo waaweyn – dagaal sokeeye oo qotodheer oo ka socda Itoobiya oo u dhexeeya ciidammada daacadda u ah Jabhadda Xoraynta Shacabka Tigray (TPLF) iyo ciidanka Ra’iisal-wasaare Abiy Axmed.

sidoo kale afgambi militari oo ka dhacay Suudaan bishii Oktoobar.

Warka bixitaankiisa oo aan horay loo sheegin ayaa soo baxay ka hor inta uusan Khamiista aadin dalka Itoobiya si uu ula kulmo madaxda sare ee dowladda wadahadallada nabadeed oo qeyb ka ah dadaalladii ugu dambeeyay ee Washington ay ku doonayso in lagu soo afjaro colaadda.

Feltman, oo 62 jir ah, ayaa sheegay in "dareen xilkasnimo” uu ka soo saaray ” hawl-gabnimo” ka dib in ka badan 25 sano oo uu ahaa diblumaasi Maraykan ah oo u soo diray Qaramada Midoobay, Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika.

Warar soo baxayay ayaa sheegayay maalmihii lasoo dhaafay in Madaxweyne Biden ay isku khilaafeen habka loo wajahaayo xaaladda Itoobiya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip