Mareykanka Iyo Q/Midoobay Oo War Kasoo Saaray Xaaladda Cakiran Ee Kazakhstan

0
Thursday January 06, 2022 - 09:28:29 in Wararka by
  • Visits: 181
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka Iyo Q/Midoobay Oo War Kasoo Saaray Xaaladda Cakiran Ee Kazakhstan

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Qaramada Midoobay iyo Aqalka cad ee looga arimiyo dalka Maraykanka ayaa ugu baaqay mas’uuliyiinta dalka Kazakhstan inay xakameeyaan wax ka qabashada mudaharaado rabshado wata oo ka socda dalkaas, kadib markii dowladda Kazakhstan ku dhawaaqday xaallad deg deg ah.

Afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric, ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyadu in ay is xakameeyaan, kana fogaadaan rabshadaha oo ay horumariyaan wadahadalka.

Xoghayaha Warfaafinta ee Aqalka Cad Jen Psaki, ayaa sidoo kale sheegtay in Maraykanku uu taageerayo "baaqyada deganaansho” waxayna sheegtay in mudaaharaadayaashu ay awood u yeeshaan inay si nabad ah isu muujiyaan, iyadoo ku boorisay mas’uuliyiinta "in ay dhankooda is xakameeyaan.

Maamulka dalka Kazakhstan ayaa jaray internet-ka iyo taleefoonnada gacanta ee dalka oo dhan, waxaana ay horay ugu dhawaaqeen xaallad degdeg ah oo ka jirta xudunta isu soo baxyada oo ah caasimadda dhaqaalaha Almaty iyo gobolka Mangystau, mudaharaadkan ayaa ka dhashay ka dib markii sare u kac ku yimid qiimaha shidaalka.

Mareykanka iyo Q/Midoobay oo War kasoo saaray xaaladda Cakiran ee Kazakhstan – Radio Dalsan FM 91.5 MHz | Warar Sugan | Somalia News




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip