Saraakiil lagu tuhmayo isku daygii lagula wareegi rabay Xafiiska RW Rooble oo loo yeeray

0
Thursday January 06, 2022 - 08:02:38 in Wararka by
  • Visits: 121
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saraakiil lagu tuhmayo isku daygii lagula wareegi rabay Xafiiska RW Rooble oo loo yeeray

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda xilgaarsiinta Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa qoraal uu u diray Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Janeraal Odawaa Yuuisf Raage waxaa uu kaga dalbaday in loo yeero Illaa Shan Sarkaal Ciidan oo lagu tuhmayo dhacdadii 27 December ee ahaa isku daygii la damacsanaa in lagula wareego Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Saraakiishan ayaa waxa ku jira Taliyaha Guutada 77aad iyo Abaanduulaha Guutada ee Koofiyo casta Ilaalada Madaxtooyada, waxaana Saraakiisha loo yeeray ay Magacyadooda kala yihiin.

1. Gaashaanle Sare Xasan Aadan Dhicis Taliyaha Guutada 77aad.

2. Gaashaanle Shaafici Nuur Axmed Abaanduulaha Guutada 77aad.

3. Gaashaanle Dhexe Cabdi Yaasin Cali Kooshin Taliyaha Ururuka 60aad ee Guutada 77aad.

4. Gaashaanle Xasan Duwane Cumar Abaanduulaha Ururka 60aad

5. 2 Xidigle Muuse Maxamed Caddow (Shaarib) Taliyaha Koox Horinta Gurmad Ururka


60aad

Guddiga baaritaanka ayaa waday su’aalo weydiin iyo xog uruurin la xiriira qaabkii ay wax u dhaceen iyo cida soo agaasintay, waxaanaTaliyaha xoogga laga codsaday in Saraakiishan maalinta sabtida ah oo taariikhda tahay 8 Janaayo, saacadda 10:00 barqanimo ay yimaadaan Xafiiska Wasiiro Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, si ay ula kulmaan guddiga baaritaanka uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha.

XIGASHO:-RADIORISAALA.COM




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip