Shirka Golaha wadatashiga oo Maalintii Afaraad galaya

0
Thursday January 06, 2022 - 06:39:36 in Wararka by
  • Visits: 178
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirka Golaha wadatashiga oo Maalintii Afaraad galaya

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Waxaa Maanta Maalintii Afaraad oo xiriir ah galaya Shirka Golaha wadatashiga Qaran, kiwaas oo ka kooban Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynayaasha 5-ta Dowlad Goboleed iyo Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir.

Shirka oo Isniintii ka furmay Teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho ayaa Warbixino looga dhageystay, Midowga Musharrixiinta, Wakiilada Beesha Caalamka, Ururada Bulshada rayidka iyo Wakiilo ka socda Haweenka.

Shalay Gelinkii dambe ayaa Madaxda Golaha wadatashiga waxaa ay aad uga doodeen Arrimaha Amniga oo uu Ra’iisul Wasaare Rooble uu dalbaday in lagu wareegiyo, taas oo ay ku kala aragti duwanaadeen Madaxda Dowlad Goboleedyada, waxaana Wararka la helay ay sheegayeen in Ra’iisul Wasaaraha uu sheegay in hadii aan lagu wareejin amniga dalka aan la qaban karin doorashooyinka dalka.

Maanta ayaa la filayaa in Golaha wadatashiga Qaran ay dood aad u adag ka yeeshaan Amniga Guud ee dalka iyo caqabadhaa heysta arrimaha doorashooyinka dalka, si shirka la soo geba-gabeeyo Madaxdana Warmurtiyeed ay kasoo saaraan.

Shalay ayaa qorshuhu ahaa in la soo geba-gabeeyo Shirka Golaha wadatashiga balse uu dib ugu dhacay arrinta Amniga oo Madaxdu ay aad isugu hayaan balse markii la isku fahmo shirka la soo geba-gabeyn doono.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip