Dowlada Oo Bilowday Qeybinta Deeqda Gurmadka Abaaraha

0
Wednesday January 05, 2022 - 15:55:49 in Wararka by
  • Visits: 166
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowlada Oo Bilowday Qeybinta Deeqda Gurmadka Abaaraha

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Guddiga Gurmadka Abaaraha ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa bilaabay qeybinta qoondadii lacageed ee Dowladdu ugu talo gashay gurmadka dadka abaaruhu saameeyeen,iyagoo maanta qoondo lacageed ku wareejiyay Dowlad-goboleedyada dalka.

Guddiga oo ay guddoomiye u tahay Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka XFS Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa maanta gargaar lacageed oo loogu talo galay dadka abaaruhu saameeyeen ku wareejiyay Dowlad-goboleedyada dalka .

Munaasabadda wareejinta qoondadan oo ka dhacday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha waxaa ka soo qeyb galay Wasiirrada gargaarka ee Dowlad-goboleedyada iyadoo ay goobjoog ahaayeen xubnaha wasiirrada ah ee Guddiga Gurmadka abaaraha.

Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka hadashay munaasabaddii qeybinta qoondada lacageed ee dowladdu ugu talo gashay gurmadka abaaraha, ayaa sheegtay in ay sii socon doonaan howlaha gurmadku.

Sidoo kale Wasiir Wasiirka Gargaarka ee Dowlad-goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya oo ku hadlay magaca dowlad goboleedyada ayaa uga mahadceliyay dowladda gurmadka ay soo gaarsiisay, isagoo ballan qaaday in la gaarsiin doono dadkii loogu talo galay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip