Puntland oo xirxirtay Wadayaasha Gawaarida Takaasida & Booliska oo faah faahiyay

0
Wednesday January 05, 2022 - 12:19:47 in Wararka by
  • Visits: 205
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland oo xirxirtay Wadayaasha Gawaarida Takaasida & Booliska oo faah faahiyay

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Ciidamo ka tirsan Booliska Dowlad Goboleedka Puntland ayaa Maanta waxaa ay Magaalada Boosaaso ku xir xireenQaar kamid ah wadayaasha takaasida, kadib markii lagu eedeeyay in ay warar abeen-abuur ah faafinayeen, si looga barakaco magaalada.

Darawalada la xiray ayaa gaaraya ilaa Saddex, kuwaas oo lagu eedeeyay inay hormuud u ahaayeen khalqal gelinta dhanka Amniga ee Bulshada Magaalada Boosaaso si ay dadka u barakacaan kadibna lacag uga sameeyaan

Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Bari G/sare, Cabdulqaadir Jaamac Dirir oo Shir jaraa’id Warbaahinya ugu qabtay Boosaaso ayaa u digay dad uu sheegay inay ku howlan yihiin wararka been-abuurka ah ee lagu qalqal gelinayo Amniga Boosaaso laguna barakicinayo Shacabka.

Wuxuu sicad u sheegay in qaar ka.id ah dadka taksiilayaasha ah ay dadka barakicinayaan si ay lacag u helaan, wuxuuna ugu baaqay inay arrintaasi ka waantoobaan, isaga oo Ciidamada Amniga faray inay xaqiijiyaan dhamaan Amniga Mahaalada Boosaaso.

Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa Bishii december ee sanadkii la soo dhaafay ee 2022 waxaa ka dhacay dagaal u dhaxeeyay kuwa Maamulka Puntland iyo kuwa Hay’adda PSF, kaas oo saameyntii uu reebay weli ka taagan tahay Boosaaso.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip