Puntland oo bilaawday baaritaanka Nin Oxygen loo diiday u geeriyooday

0
Wednesday January 05, 2022 - 08:17:11 in Wararka by
  • Visits: 137
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland oo bilaawday baaritaanka Nin Oxygen loo diiday u geeriyooday

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Kadib markii Baraha Bulshada lagu faafiyay in mid kamid ah Injineerada Shirkadda Nuwaco uu u geeriyooday Oxygen loo diiday in lagu xiro xilli lagu dabiibayey isbitaalka guud ee Garowe ayaa waxaa warkaasi ka jawaabtay Wasaaradda Caafimaadka Puntland.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa waxaa lagu yiri”

Qoraalka Hoos ku xusan haddii sida ay uqorantahay ay jirto wasaaradda caafimaadka Dawlada Puntland waxay si degdeg uga hawlgali doontaa baaritaankeeda waxayna usaari doontaa guddi heerkiisu sareeyo oo xog dhamaystiran ka keena, warbixinta iyo baaritaanka guddigu sameeyayna waxay la wadaagi doontaa bulshada Puntland waxayna ugudbin doontaa laamaha ku shaqada leh.

Marna wasaaradda caafimaadka ma aqbali doonto in muwaadin xaalad caafimaad uyimid mid kamid ah xarumaha Dawliga ah in si dayac ah ama masuuliyad daro ah uu ugu dhinto ama uwaayo adeega uu ubaahnaa.

Injineerka ku geeriyooday Isbitaalka Magaalada Garoowe ayaa la sheegay in uu qabay Cudurka COVID-19, waxaana Amiir Saquuni oo kamid ah Wariyeyaasha ka howlgalla Magaalada Garoowe uu sheegay in lagu xujeeyay Injineerka in uu bixiyo lacag dhan $40 Dollar, balse qoyskiisa xilligaas aysan heyn, sidaasina loogu diiday Oxgygen-ka.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip