Nin Lagu Eedeeyay Inuu Bahdil Ku Waday Gabdho Muslimiin Ah Oo Xabsiga La Dhigay

0
Wednesday January 05, 2022 - 07:00:54 in Wararka by
  • Visits: 215
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nin Lagu Eedeeyay Inuu Bahdil Ku Waday Gabdho Muslimiin Ah Oo Xabsiga La Dhigay

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Booliiska dalka India ayaa xiray wiil 21 jir ah oo lala xiriirinayo barnaamij ku shaqeeyo taleefoonnada casriga ahi oo lagu faafiyay sawirrada in ka badan 100 gabdhood oo Muslimiin ah oo la sheegay in ay ” yihiin iib”.

Wiilkani ayaa ah arday jaamacad ka dhigta culuunta injineernimada, kaasi oo ka soo jeeda koonfurta magaalada Bangalore balse wali lama shaacin magaciisa rasmiga ahi.

Ilaa iyo haatan ma cadda dambiyada lagu soo oogay balse booliska ayaa BBC-da u sheegay in wiilkani lala xiriirinayo barnaamijkaasi lagu faafiyay sawirrada gabdhaha Muslimiinta ahi ee la sheegay in la iibinayo ay yihiin xaraash.

Arrintani ayaa noqoneysa isku daygii labaad ee lagu dhibaataynayo dumarka Muslimiinta ahi ee dalkaasi India oo sawirradooda lagu faafiyay intarneedka iyada oo la sheegaya in la xaraashayo.

Bishii Luuliyo ee sanadkii tegay, app iyo website lagu magacaabo "Sulli Deals” ayaa abuuray cinwaannada in ka badan 80 gabdhood oo Muslimiin ah – iyaga oo la isticmaalayo sawiro la soo galiyay intarneedka isla markaana la beecinayo- waxayna la sheegay in ay yihiin kuwo lagu xaraashayo qiimo aad u jaban.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip