Laamaha Ammaanka Puntland Oo Gacanta Ku Dhigay Hub Iyo Gaadiid

0
Tuesday January 04, 2022 - 13:48:28 in Wararka by
  • Visits: 135
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Laamaha Ammaanka Puntland Oo Gacanta Ku Dhigay Hub Iyo Gaadiid

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Laamaha ammaanka Gobolka Bari ayaa gacanta ku dhigay hub la sheegay in si sharci darro ah lagu soo galiyay degaanada Maamulkaasi, waxaana soo qabashada Hubkaasi iska kaashaday Booliska iyo laamaha Sirdoonka Puntland.

Hubka ayaa la sheegay in lagu qariyay Garaash Gawaarida la dhigto oo ku yaalla Magaalada Boosaaso, ee xarunta Gobolka bari,waxaana laamaha ammaanku intaa ku dareen in hubka lagu soo qariyay Gaari iska roge ah.

Laamaha ammaanka ayaa intaas ku daray in markii hore ay hayeen xogta gaariga, waxana la sheegay in Gaariga ciid lagu soo raray deedna hubka lagu soo hoos qariyay.

Baaritaan ayaa wali ku socotaa Gaariga, sida ay sheegen Boolisku, waxaana la helay xog ku aaddan ciddda iska leh iyop halka loo waday hubkaasi iyo saanadda.

Laamaha amniga Maamulka Puntland ayaa dhowr jeer waxaa ay gacanta kusoo dhigeen hub sharci darro ah oo lasoo galiyay degaanada maamulkaasi, waxaaana howgallo ballaaran oo ay sameeyeen ay soo qabteen maandooriye iyo dad ku howlanaa falal amni darro.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip