Qaar Ka Mid Ah Madaxda Maamul Goboleedyada Oo U Ololeynaya In Hal Magaalo Lagu Soo Kobo Doorashada

0
Tuesday January 04, 2022 - 12:16:03 in Wararka by
  • Visits: 134
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaar Ka Mid Ah Madaxda Maamul Goboleedyada Oo U Ololeynaya In Hal Magaalo Lagu Soo Kobo Doorashada

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Madaxda maamul goboleedyada ee Muqdisho u yimid shirka socda ee golaha wadatashiga qaran ayaa badankood waxa ay daneynayaan in doorashada xildhibaanada golaha shacabka lagu soo kobo hal deegaan doorasho oo kaliya.

Xubnaha qodobkan gadaal ka riixaya waxaa kamid ah madaxweynaha Puntland oo xiisad kaga furan tahay magaalada Boosaaso oo PSF ay gacanta ku heyso, madaxweynaha Jubaland oo aan tagi Karin Garbahaareey oo maamul Farmaajo hoostaga uu ka jiro, madaxweynaha Hirshabelle oo dagaal uu kaga furan yahay Beledweyn iyo qoor qoor oo ay ku adag tahay maamulida kuraasta taala Gaalkacyo.

Related Posts

Madaxweynaha Hirshabelle Lafta-gareen oo kaliya ayaa ah shaqsiga qaba in labada magaalo lagu daayo, maadaama magaalada Baraawe ay ka jirto maamul isaga hoostago oo uu si caadi ah u tagi karo si ka duwan madaxda kale.

Heshiiskii September 2020-kii waxaa lagu heshiiyay in doorashada lagu qabto labo deegaan doorasho dowlad goboleed kasta, balse illaa iyo hadda ma jirto hal meel oo ay doorasho ka dhacday oo aanan ahayn caasimadaha dowlad goboleedyada.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip