HALKAAN KA AKHRISO WARARKA W.MOGTIMES MAANTA OO AH TALAADO 4-TA JANNAAYO 2022-KA

0
Tuesday January 04, 2022 - 08:52:07 in Wararka by
  • Visits: 563
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA W.MOGTIMES MAANTA OO AH TALAADO 4-TA JANNAAYO 2022-KA

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Furay Shir ka Golaha Wadatashiga Qaran

     Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa Shalay ka furmay Teendhada Afisyooni, iyadoo uu shir guddoominayo Ra’iisul Was aaraha xukuumada Soomaaliy Maxamed Xuseen Rooble.

     Sida macluumaadka la helayo ay muuj inayaan, Shirkan ayaa Dorraad ah furitaan, iyadoo labada maalin ee soo socota si toos ah loo guda geli doono ajandayaasha shirka sida dardargelinta doorashooyinka, amniga iyo sixitaanka habraacyada doorashada.

      Xafiiska ra’iisul wasaare Rooble oo faaf iyay sawirrada shirkan, ayaa raja ka muujiy ay in uu mira dhalo fadhigan oo ku soo aad ay xili xasaasi ah oo khilaafaad culus ay har eeye en arrimaha doorashooyinka dalka

     "Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Max amed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyay shirka Golaha Wadaatashiga Qaran oo ka furmay Muqdisho, kaas oo diiradda lagu saa rayo amniga iyo dardargelinta doorashooyin ka, daahfurnaanta iyo jaangoynta xilliga la soo gabagabeynayo doorashada Golaha Shacabka BFS,” ayuu lagu yiri qoraalka uu soo saaray Rooble.

      Si kastaba, rajada laga qabo inuu guul eysto shirka Dorraad furmaya ayaa ah mid yar, ayada oo madaxweyne goboleedyada taabacsan Farmaajo la rumeysan yahay in ay is hortagai doonaan qorsheyaal dhowr ah oo uu kasoo horjeedo Farmaajo, kuwaasoo qeyb ka ah ajendayaasha lagu jeex jeexayo shirkan.

Muxuu Prof. SAMATAR ka yiri dagaalka siyaasadeed ee Farmaajo iyo Rooble?

     Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo ka mid ah Senatorrada dooran ee Aqalka Sare oo ka hadlay khilaafka cusub ee ka dhex al oosan madaxweynihii hore Maxamed Cab dullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Roo ble ayaa sheegay in la isku hayo gacan ku haynta awooda dowladda.

     Waxa uu sheegay in khilaafka labada Nin ee is haya uu midkoodna qadarin u hayn qar animada, islamarkaana ay danahooda siyaa sadeed iskaga hor imaadeen iyo ku gacan sareynta dowladnimada.

      "Midkood marka uu kii kale ixtiraami wa ayo ma ixtiraamayo, mid wax u ogol mid ka le majiro, waxaa jirra sad-bursi. Markaa wa xaa wadankii laga la’yahay wax garnaqa iyo dad garta qaata,” ayuu yiri. "Waxaa la isku hayaa afartii sanadood wey dhamaadeen, sharci ayaa doorashooyi nka loo dhigay oo sidoodii ha loogu dhaqmo, ha loo madax baneeyo dadka codeynaya oo malxiis iyo balaayo yeysan jirin, taasi ayey rabaan Soomaalida. Siyaasiyiintuna waxay rabaan mid malxiis leh oo dheereysanay aan,” ayuu yiri.

     Sidoo kale waxa uu sheegay in khilaafka siyaasiyiinta Soomaaliyeed uu salka ku hayo badankooda dhaqaale iyo xukun jaceyl, taasi oo aan u daneyn dhibaatada haysta umadda Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay.

     "Saan-saanka socda waxaa moodeysa in siyaasiyiinta intooda badan inay u aaba-ye elayn in dagaal meesha ka dhaco, Ilaahay kama yeele. Waa in dadka reer Muqdisho yidhaahdeen nigama yeeleyno dagaal.”

      Prof Samatar ayaa qaba in doorashada Golaha Shacabka lagu soo gaba-gabeyn karo muddo kooban, haddii si daacadnimo iyo hufnaan leh looga howl-galo, taasi bad alkeeda haddey dhacdana ay qaadan karto muddo sii dheereynaysa muranka taagan.

     "Doorashada inta hadhay waxaa lagu dhameyn karaa labo bilood oo weliba si xara go leh lagu dhameeyo waa haddii uu caqli iyo iimaan jiro weeye. Haddii kale waa su urta-gal in lix billood iyo ka badan ay qaa dato.”

    Hadalkan ayaa imanaya xili uu meel sare gaaray khilaafka madaxweynihii hore iyo Ra’ iisul Wasaare Rooble, islamarkaana uu taa gan yahay walaac laga qabo in khilaafkan uu dib u dhac kale ku keeni karo dhameyst irka doorashada haddii aan la xallin.

Golaha wadatashiga oo Beesha Caalam ka & Midowga Musharrixiinta kala hadla ya doorashada

     Xukuumadda Federaalka ah ee Sooma aliya ayaa faah faahin ka bixisay shirka Gol aha wadatashiga Qaran ee Dorraad ka fur may Xarunta teendhada Afisiyooni ee Maga alada Muqdisho, kaas oo looga hadlayo Arr imaha doorashooyinka.

     Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibr aahim Mocalimuu oo shirka faah faahinayay ayaa sheefay in diirada lagu saarayo amniga

      iyo dardargelinta doorashooyinka, daahfurnaanta iyo jaangoynta xilliga la soo gabagabeynayo doorashada Golaha Shac abka BFS.

     Sidoo kale wuxuu sheegay in Guddiyo ka socda Golaha wadatashiga Qaran ay la ku lmi doonaan Wakiilada Beesha Caalamka, Xubno matalaya Midowga Musharrixiinta, Ururada Bulshada Rayidka si ay u dhageys taan talo aoo jeedin tooda la xiriirta arrimaha doorashooyinka.

    Ugu dambeyn Afhayeenka Xuku umadda Maxamed Ibraahim Mocalimuu wuxuu shee gay in Xukuumadda iyo Golaha wadatashiga Waran ay ka go’an tahay in laga guul gaaro doorashada, sidoo kalena lagu xaliyo hadii ay jiraan meelo lagu kala aragti duwan yahay.

Waare oo Rooble siiyey talo la xiriirta wasiirada iyo madax goboledyada raacsan Farmaajo

    Madaxweynihii hore ee dowlad goboleed ka HirShabelle, Mudane Maxamed Cabdi Waare oo wareysi cusub bixiyey ayaa mark ale weerar afka ah ku qaaday madaxweyn ihii hore Farmaajo, isagoo sidoo kale ka hadlay xiisadda haatan taagan.

     Waare oo uu warra may Hanoo laato ayaa ku ee dee yey madaxw eyne Maxamed Ca bd ullahi Farmaajo in sidii uu rabo uu ka yeelanayo dastuurka, kuna tumanayo shuruucda dalka

      "Dastuurku wuu cad yahay, madaxwey naha ilaa inta madaxweyne kale laga doo ranayo xafiiska ayuu sii joogaa meel ay das tuurka uga taallo ma jirto, haddii xitaa lagu doodi lahaa baarlamaanka ayaa ansixiyay ma jirto, qof weliba rabitaankiisa ayuu wax u fasirtay,” ayuu yiri

      Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Fa rmaajo xeeladdiisa dagaal ay tahay mid qat ar ah, isla-maraakana uu qofka mas’uulka ah ku karaamo-tirayo dadkiisa, sida uu had alka u dhigay.

      "Farmaajo waxa uu yaqaanaa dagaal qofka dadkiisa lagu hor karaamo-tirayo, wa xa uu biyaha & korontada ka goystay Guddo omiyihii Baarlamaanka, waxa uu lug ku qasbay Ra’iisul Wasaaraha XFS, Farmaajo inuu Villada ka baxo iyo in uu ku jiro wax mi cno ah malah,” ayuu markale yiri Madaxw eynihii hore ee dowlad goboleedka HirShab eelle.

    Madaxweynihii hore ee HirShabelle oo hadalkiisa sii wata ayaa farriin u diray ra’iisul wasaare Rooble, wuxuuna uga digay inuu markale gacanta u gelin talada, sidoo kalena uu aqbalo wada-hadallada ay garwadeenka ka yihiin xubnaha u dhow Farmaajo.

     "Waxa aan leeyahay Ra’iisul Wasaare talada gacantaada ku jirto markale ha iska saarin, wasiirada iyo madaxweyne gobol eedyada u dhaw madaxweynaha wadahadal lama dhaho waa hoosaasin waana tii badda geliyay tookadii hore,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

      Soomaaliya ayaa waxaa weli ka taagan xiisad xoogan oo ka dhalatay doorashooyin ka, taas oo kasii dartay markii uu soo laba kacleeyey khilaafka u dhexeeyo  Farmaajo iyo Rooble.


Xukuumada Somaliland oo baaq kasoo saartay dagaalo ka dhacay gobolka Sool

       Xukuumada Somaliland, ayaa baaq na badeed kasoo saartay dagaal beeleed ka dhacay deegaanka Saax-maygaag ee gobol ka Sool, dagaalka ayaa sababay dhimasha da ilaa 6 qof oo dhinacyadii dagaalamayay ah, tirro kalena way ku dhaawacmeen.

       Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in xukuumada Somaliland aad uga xuntahay dagaalka, isa ga oo ku baaqay in maamulka Puntland kala shaqeeyo daminta colaada, madaama oo be elaha dagaalamay midkood ay Punt land dagantahay.

      "Aad iyo aad ayaan uga xumahay qaska iyo qalalaasaha iyo dhimashada joogtada ah ee ka socota deegaankan ku dhaw degma da Bocame, oo ku jirta xuduuda J. Somali land, saacada imika aanu hadlayno dowlada Somaliland waxay ugu baaqaysa labada ma amulba in arrintaa qalaanqal keeda la afjaro, "ayuu yidhi wasiir Kaahin.

      Wasiirka ayaa tibaaxay in shicibka dag an dhinaca Somaliland lasoo weeraray, wux uuna ku baaqay in weerarka la joojiyo.

     "Dowlada Somaliland-na waxaanu cadda ynaynaa in anay dagaalkaa meelna lug kaga lahayn, shicibka ka tirsan Somaliland waxa anu qabnaa in meesha lagu soo weeraray, waxaanu jecelnahay in weerarka laga da ayo"

      Wasiirka ayaa sheegay in madaxweyne  Biixi iyo madaxweyne Dani ay ka wada had leen sidii loo dajin lahaa dagaalka "Madax weynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo madaxweyne Dani way wada hadleen" ayuu yidhi Kaahin. "Waxaanu soo jeedinaynaa maamul goboleedka Puntland iyo J. Somalil and labada qoloba in aanu ka shaqayno arr inta maamulka".

      Gobolka Sool ayaa ah gobol ay halakee yeen dagaal beeleedyo marka la bar bar dhi go gobolada kale ee Somaliland, iyadoo san nad kasta ay ka dhacaan dagaalo qabiil sal ku leh.

     Wasiir kaahin iyo saraakiil kale ay aa dag aalkan ka hor gobolka u joogay xas ilinta co laad beeleedyo kale.

Abshir Kaaraan Oo Mar Kale Guddoom iye Loo Magacaabay

     Guddoomiyihii Degmada kaaraan ee Gobolka Banaadir ayaa xilkii laga qaaday, iyadoo Guddoomiye kalena la magicaa bay, xili degmada kaaraan ay dhawaanaah an dhex-maquuranaysay ammaandarro baa hsan.

    Wararka ayaa sheegaya in Guddoomiyihii degmada ku magacawnaa xilka laga qaaday sidoo kalena la magacaabay Abshir Kaa raan, kaasi oo haray Guddoomiye uga soo naqday karaan.      Guddoomiyihii Xilka laga qaaday ayaa lagu Magacaabayay Ciise Max’muud Max’ ed,waxaaana xusid mudan in markii hore lagu beddalay isla masuulka hadda la mag acaabay Abshir Kaaraan.

Talaabadaan waxa ay ka da mbeysay kadib markii Ama anka Degmada uu faraha kabxay bilihii ugu dambeyay, waxaana degmada kusoo Cusbo onaaday dhacdooyin iyo waxyaabo ugub ku ah degmada, iyadoo Ciyaal weero dadka dhi baato ku haya ay kusoo kordheen magaal ada kuwaasi oo dadka degmadu ay qaylo dhaan ka muujiyeen.

     Sidoo kale dhaca ay sameynayaa kooxa ha burcadda ah ayaa joogta ka noqday xaa fadaha kal duwan degmada.

Jeneraal XUUD oo shaaciyey inuu qab saday M/Beledweyne kadib dagaal

     Janaraal Abuukar Xaaji Warsame (Xu ud), oo kasoo horjeeda maamulka HirShab elle, ayaa faah-faahin ka bixiyey dagaal ay ciidankiisa Dorraad la galeen maamulka gobo lka Hiiraan, kaasi oo uu guulo ka sheegtay.

 Janaraal Xuud oo wareysi gaar ah siiyay BBC-da ayaa beeniyey inuu billaabay daga alka, wuxuuna sheegay in dagaalkii Dorraad ka dhacay deegaanka Qowl ad oo qiyaastii 12Km waqooyi uga beegan xaruunta gobolka Hiiraan ee Beledweyne uu ah aa mid la gu soo qaaday fariis amah o oda.

      Waxa uu sheegay in had da uu si buuxda gacanta ugu hayo maamulka magaalada Beledweyne ee xarunta gobol ka Hiiraan, isla markaana ay ciidankiisa jog aan inta badan xaafadaha magaalada.

     "Waxaan hadda joogaa Beledweyne, dha mmaan xaafadaha ciidankeyga ayaa haysta, waxaan ka jawabeynaa weerarkii Dorraad na lagu soo qaaday. Waxaa aan dhiseeynaa maamulka Hiiraan State, HirShabelle kama sii shaqeeyn doonto Hiiraan,” ayuu yiri Jene raal Xuud.

    Waxaa ilaa Habeen hore magaalada ka socday dedaallo la doonayay in si nabad ah ay ma gaalada ku yimaadaan Cali Jeyte iyo ciidamadii la socday ee Dorraad dagaalka ku galay deegaanka Qowlad iyo in janaraal Xuud uu ka baxo magaalada, islamarkaana xabbad dambe aysan ka dhicin.

     Jeneraal Xuud ayaa sheegay in ujeedda diisu tahay dhismaha maamul goboleed lagu magacaabo Hiraan oo aysan dooneyn in ay wax la qeybsadaan maamulka haatan jira ee HirShabeelle ee uu Cali Guudlaawe madax weynaha ka yahay.

      Jen.Xuud ayaa dowladda federaalka ee Soomaaliya ku eedeeyay in ay diiday in ay wadahadal iyo heshiis la gasho ciidamad iisa, sidaa awgeedna ay xoog iyo cabburin ku dhistay maamulka haatan ka jira HirSha belle.

    "Maammul la yirahdo HirShabelle kama jiro Hiiraan  Waxa dhacaya oo dhan, waxay u dhacayaan waa intaa. Sida dowladda fe deraalka khasabka iyo juujuubka ah ee ay ku dhisatay (maamulka Hirshabelle) si aan aqbali karno oo aan yeeli karno ma aha. Annaga Hiiraan baa nala yirahda a…gobolkan waa gobol gobolladii kale ka haray, xaqdarrada intaasi la’eg oo nagula sa meeyay ayaan ka dhiidhinay oo aan diida nnahay,” ayuu yiri Janaraal Xuud.

     Janaraal Xuud ayaa sheegay in madaxt innimada gobolkaasi ay qaateen dad uu sheegay in aysan u dhalan gobolkaasi oo ujeedadoodu ay tahay buu yiri in ay mad axtinnimo ku helaan sidaasi.

      Guddoomiyaha gobolka Hiraan, Cali Jey te, wuu sheegay in dagaalkii Dorraad dha cay ay iyaga guushu ku raacday isla markaana ciidamadii ka soo horjeeday ay u cararreen dhanka dhul sida uu sheegay ay joogaan Al-Shabaab.

       Wuxuu intaasi ku daray in Beledweyne ay ku soo rogeen bandow isla markaana ha wlgallada socda ay sii wadi doonaan balse ilo lagu kalsoon yahay ayaa BBC-da u shee gay in bandowgaasi uusan wali dhaqangelin oo Habeen hore ilaa xilli dambe ay magaaladu ka so cdeen muddaharaadyo looga soo horjeedo dagaalkaasi iyo maamulka HirShabelle.

Puntland oo wafdi u dirtay degaankii lagu dagaalamay ee Gobolka Sool

       Dowlad Goboleedka Puntland ayaa bila abay dadaalo ku aadan sidii xal loogu heli lahaa Colaadda soo laab laabatay ee kajirta degaanka Saxmeegaag ee Gobolka Sool, taas oo u dhaxeeysa laba maleeshiyo Beel eed oo degaankaas wada dega.

    Dorraad waxaa degaanka Saxmeegaag ee Gobolka Sool gaaray wafdi uu hoggaam inayo Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash), ku waas oo bilaabaya wada-hadallo ku aadan sidii loo joojin lahaa colaadda labada Bee lood.

     Madaxweyne ku xigeenka oo ay weheli yaan mas’uuliyiin ka tirsan Puntland ayaa la gu wadaa in uu la kulmo dhinacyada ku dag aallamay degaanka Saax-maygaag si loo joojiyo xiisadda colaadeed, wuxuuna ku sug naan doonaa degaanka ilaa inta laga kala qaadayo dhinacyada dagaallamay.

    War kasoo Madaxweyne ku xigeenka Pu ntland Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Kara ash) ayaa waxaa loogu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya degaanka Saxmeegaag in ay Colaada jooniyaan, isla markaana wixii ta basho ah ee jira miiska wada-hadalka ku xaliyaan.

    Dhinaca kale Odayaasha dhaqanka lab ada Beelood aya bilaabay waan-waan naba deed oo lagu doonayo in lagu joojiyo dagaal ka, iyada oo ay dagaalka ku dhinteen lix Ru ux halka 15 kale ay ku dhaawacmeen.


Faysal Cali Waraabe: Waxa caddaatay in madaxweyne Muuse uu sharcigii laalay"

    Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka So maliland ee UCID Faysal Cali Waraabe, ay aa mar kale si kulul u dhaleeceeyay ku dha waaqista furista ururada siyaasada, oo uu aad uga soo horjeedo si la mid ah xisbiga Waddani.

Faysal ayaa sheeg ay in anay haboon ayn in xeer 14 ay meel mariyaan goli hii wakii lada ee hore, xeerkan ayaa saama xaya in ur urada siyaasada la furo toban kii sanno-ba mar, iyadoo ururada siyaasadu waji ka waji, u tartamayaan.

     "Hadii aynu nahay umad dal iyo dad ee gaysa xeerkaasi in uu baarlamaanka soo dhaafo may ahayn, wuxuu kasoo horjeeda dastuurka, waa qaran dumis," ayuu yidhi Fa ysal,  Faysal ayaa sheegay in madaxweyne Biixi uu horaantii sannad kii hore u balan qa aday in aanu saxeexi doonin xeerka, isla ma rkaana aanu soo dhaafi doonin golaha guu rtida. Waxa kale oo uu sheegay in madax weyne Biixi uu is badalay markii Xirsi uu no qday guddoomiyaha xisbiga Waddani.

     "Muuse waanu ka wada hadalnay bishii April wuxuu yidhi bahalka guurtida ayaan ku joojinaya, maaha mid kuu qalma, oo doora sho toos ah oo axsaab ahi wax suuragal ah maaha, axsaabta marka la furayo waxa loo tartamaa ama deegaan ama baarlamaan," ayuu yidhi Faysal.

    "Markii lagu soo tukhaan tukhiyay, wuxuu yidhi waan celinaya...shirguddoonka cusub ayuu usoo dhiibay oo yidhi iga celiya anuu gacantayda ku saxeexi maayee, Muuse waxa la yaable in markii Xirsi laga dhigay gu ddoomiyaha Waddani uu wasiir kiisa warfaafinta hadal yidhi".

    Faysal ayaa ku hanjabay in aanu Biixi u aqoonsandoonin madaxweyne hadii loo baahdo "Muuse waxa caddatay in uu sharci gii laalay, dee mar hadii uu sharcigii tuuray anagu distoorka qaranka ayaanu ku wada joognay anaguna waxaanu kuu sheegayna madaxweyne-nimadaadii waanu ka tashanaynaa".

Xasan Daahir: "Farmaajo iyo Xuseen Cey diid waxay u maree 30 sano kahor”

     Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka fal ce liyey wareysi uu dhawaan bixiyey Siyaasiga Xuseen Maxamed Faarax Ceydiid oo sheeg ay in Farmaajo aan lala dagaali karin oo xa bad uusan ridin ka Xuseen ahaan aysan Muqdisho ka dhici karin.

     Xasan Daahir ayaa sheegay inuu dhag eystay wareysigaas, isla markaana ay u soo baxday in Xuseen Ceydiid uu soo maraayo meel mar hore lasoo dhaafay, sidoo kale Fa rmaajo ayuu ku tilmaamay nin lamid ah Xuseen Ceydiid oo aan is biday awood uusan laheyn.

     Sheekh Xasan ayaa sheegay in mar lagu sirmay Xuseen Ceydiid oo loo maleynayey inuu leeyahay kartidii Aabihiis oo kale, balse hadda ay u joogto halkii la maraayey waayi hii lagu sirmay.

     "Waxaan is dhahay Xuseen meel uu siy aasadda ka soo galo ayuu raadinayaa, mar kaasuu ka hadlay meel 30 sano ka hor laga soo tegay, laakiin dadku dadkii maaha oo waqtigu waqtigii maaha,” ayuu yiri Xasan Daahir.

     Sheekh Xasan ayaa beesha Abgaal uga magad celiyey inay iska aamusiyeen dadkii la midka ahaa Xuseen Ceydiid oo uu ka car abaabay Cali Maxamed Geedi iyo Salaad Cali Jeelle, "Walow aad hoosta ku heysata an Shariif oo diintii inta calaanjiyey tufay,” ayuu yiri.

     Sidoo kale Xasan Daahir oo la hadlay Fa rmaajo ayaa sheegay in awood aan jirin ay maskada uga jirto, isagoo u fekeraya sidii uu u fekeri jiray Maxamed Siyaad Barre, sida uu sheegay Xasan Daahir.

     "Waxaan la hadlayaa Farmaajo, madaxa waxaa kaaga qunfulan caqliyadii Maxamed Siyaad Barre oo kale, adiga ina Ceydiid isku mid ayaa tihiin, waxaad ku fekeree in caqliy adii Maxamed Siyaad oo kale aad hir-geliso, taasina hadda suurta gal maaha,” ayuu yiri.

     Xasan Daahir ayaa Farmaajo ku dhaliilay sababta uu ula dagaalayo Ra’iisul wasaare Rooble oo isagu uu keensaday markii hore, isagoo sheegay in dadka hadii aan laga xi shoon si kasta oo ay u qabowyihiin ay ugu dambeyntii qarxayaan oo wax kasta hale yaan.

     "Farmaajo ninkaan adigaa keensaday, maba aanaan aqoon anagu, sida adigaba uu Shariif kuu keensaday oo kale, marka shaqadaan adigaa ku wareejiyey, isagaana masuul ka ah ee ka leexo, maxaad u qa shqashaadeysaa? Waaba nin iska dabacsa ne” ayuu yiri Xasan Daahir.

Sarkaalkii Ciidamada dowladda la dag aalamay oo Ciidamo la soo galay Beledweyne

     Ciidamo farabadan oo uu hoggaaminayo Sarkaal horay uga tirsanaa Ciidamada dowl adda oo lagu Magacaabo Nuur Dheere ayaa waxaa ay Habeen hore soo galeen Magaalada Bele dweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Ciidamadaan ayaa Dorraad waxaa ay kula dagaalameen Ciidamada dowladda deg aanka Qowlad oo qiyaasitii 12km dhinaca Waqooyi kaga beegan Magaalada Beledwey ne, balse Ciidamada ay si deg deg kusoo galeen.

     Magalada Beledweyne waxaa Habeen hore ka dhacay dibadbaxyo waaweyn oo rabshado watay, kuwaas oo looga soo horjeeday Ma amulka Hir-Shabeelle, waxaana banaanbax ayaasha ay soo dhaweeyeen Sarkaalka Nu ur Dheere iyo Ciidamada uu wato.

    Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiir aan Cali Jeyte Cismaan ayaa Dorraad ku dha waaqay in Magaalada Beledweyne habeen kii la gelinayo bandow, balse uusan dhaqan gelin bandowgaas, isla markaana dibadbax yo ay ka dhaceen.

     Xaaladda Magaalada Beledweyne ayaa Shalay degan, hayeeshee dadka Shacabka ah ay dareemahaan cabasi maadaama Mag aalada ay ku wada sugan yihiin Ciidamada dowladda & kuwa Hir-Shabeelle oo dhinac ah iyo kuwa la magac baxay Kacdoonka Gobolka Hiiraan oo uu horkacayo Nin lagu Magacaabo Janeraal Xuud.

Guddoomiyaha Maamulka Dhuusama reeb oo tababar u soo xiray shaqaale ka tirsan wasaaraddaha Galmudug

     Tababarkan oo mudo sedax maalmood ah u socday shaqaale ka tirsan wasaarad aha Galmudug iyo Maamulka Dhuusamare eb ayaa Ku saabsanaa sida loo xaliyo qilaa faadka iyo isku dhacyada bulshada, waxaa na geban-gebadiisan kasoo qayb galay Mas ’uuliyiin uu ka mid yahay gudoomiyaha Dhu usamareeb ahna duqa Caasimada Macalin Cabdiraxmaan Geedaqoroow, madax ka socotay hey’adda UNDP oo laheyd agaasin ka tababarkan iyo tababarayaal ka tirsan Jaamacada Gaalkacyo oo bixinayay casha rada mudadii sedaxda maalmood aheyd ee aqoon kororsigan socday.

     Qaar ka mid ah shaqalaha tabarka ka loo qabat ayaa iyana ka mahad celiyay aqoon kordhintan loo sameeyay, iyagoona balan qaaday in ay dhaqan galin doonaan cashar ada ay qaateen oo muhiim u ah nabadgalya da guud ee Bulshada.

    Ugu dambeyn gudoomiyaha Dhuusamar eeb Macalin Cabdiraxmaan Geedaqoroow oo soo xiray tababarkan ayaa sheegay in dhisida aqoonta shaqaalaha dowlada hoose kaalin mug leh ka qaadan karto xalinta qilaafkaadka keena gacan ka hadalka ee

deegaanada miyiga inta badan ka dhaca.


Ciidanka xoogga dalka & AMISOM oo ka shiray la-dagaalanka Al-Shabaab

   Saraakiil ka kala tirsan Ciidamada Kun aadooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee Gorgor iyo kuwo ka so cda Ciidanka Uganda ee kamid ah AMISOM ayaa kulan ku yeeshay degaanka lambar Kont on ee Gobolka Shabeel laha Hoose, kaas oo ay kaga hadlayeen arri maha amniga Gobolka.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip