HALKAN KA AQRISO W.W MOGTIMES DAILY NEWSPAPER 2-1-2022

0
Sunday January 02, 2022 - 08:15:29 in Wararka by
  • Visits: 508
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AQRISO W.W MOGTIMES DAILY NEWSPAPER 2-1-2022

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Roobe oo guddi u magacaabay afgambigii fashilmay 27-ka December + Magacyada

     Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Sooma aliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Xalay magacaabay guddi ka kooban shan wasiir oo loo xil-saaray baaritaanka afgambigii uu isku dayey Madaxweynihii hore Maxamed Cabdulla ahi Farmaajo.

    Ra’iisul Wasaaraha ay aa go’aanka uu ku magic aabay guddigaan waxa uu u cuskaday go’aan ay todobaadkii tegay wadajir u gaareen golaha wasiirrada.

      "Iyada oo la fulinayo Go’aankii Golaha Wa siirrada, Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Fed eraalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay Guddi ka kooban Shan Wasiir kuwaas oo baaris rasmi ah ku samayn doona dhacdadii 27 December la isku dayay in la afgambiyo Xafiisyada Ra’ii sulwasaaraha iyo Xukuumadda,” ayaa lagu yiri qoraalkan ka soo baxay xafiiska Rooble.

     Xubnaha wasiirrada ah ee guddiga uu Xalay magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa kala ah:

1- Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac Wasiirka gaa shaandhigga—Guddoomiye.

2- C/hi Maxed Nuur Wasiirka Amniga Gudaha.

3-C/hi Abuukar Xaaji–Wasiirka Waxbarashada

4-Gen. Bashiir Maxamed Jaamac, Wasiirudow laha Hawlaha Guud.

5- Cabdixakiim Xasan Ashkir, Wasiirudowlaha Xafiiska Ra’iisulwasaaraha.

    "Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray Xubnaha Guddigaan in ay baaristooda ku soo gabag abeeyaan muddo todobaad ah,” ayaa lagu yiri qoraalkaan Xalay ka soo baxay xafiiska R/Wa saaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble.

Wasiirka Amniga oo Yaasiin Farey ku am ray in NISA isaga baxdo garoonka Aadan Cadde

     Wasiirka Amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa soo saaray waqad uu Ag aasimaha NISA Yaasiin Farey ku amrayo inuu dhamaan ciidanka NISA ka soo saaro gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee mag aalada Muqdisho.

     Yaasiin Farey ayaa warqa daan lagu faray in mas’uuliyad da amniga garoonka qeybtii ay ka hayeen ciidanka NISA uu ku wareejiyo taliska boolis ka Somaliya ee ka howlgala gudaha garoonka.

    Wasiirka amniga ayaa qoraalkiisa ku sha aciyey in go’aankaan la qaatay kadib markii ay ka dhaceen gudaha garoonka isku halayn am ni oo kaliftay dayacaad amni oo balaaran, maa daama mas’uuliyadda amniga garoonka ay qa ybsan tahay oo aysan ku jirin hal gacan.

     "Ka dib markii ay bateen cabashooyinka ay ka soo gudbiyeen hay’adaha dowladda ee ka howlgala gudaha garoonka, ciidamada NISA oo ku kaca xad-gudubyo isugu jira gacan qaad iyo handadaado joogta ah, lehna cadaymo bu uxa.

     Waxaa la go’aamiyay, lana farayaa in guud ahaan Amniga garoonka uu la wareego Ciidan ka Booliska Soomaaliyeed, waxaana lagula xis aab-tamayaa Saldhiga Garoonka ee Booliska oo kaliya mas’uuliyadda amni garoonka, wixii ka danbeeya 2-da bishaan Janaayo 2022,” ay aa lagu yiri qoraalka wasiirka. Wasiir Cabdulla hi ayaa qoraalkaan ku sheegay in la go’aamiy ey in dib loo soo celiyo dhammaan taliska iyo ciidanka NISA ee ka howlgala gudaha garoon ka, laga bilaabo 02-Janaayo 2022 oo ku beeg an Axadda berri ah.

      "Hadaba waxaa la farayaa ku simaha agaa simaha hey’adda NISA in uu ku wareejiyo dha maan mas’uuliyada amni ee ciidanka NISA ay horay gacanta ugu hayeen uu si buuxda ugu wareejiyo ciidanka booliska, dibna ula soo laa bto dhamaan taliska iyo ciidanka ka howl gala gudaha garoonka, mana jiraan wax ciidan NISA ah oo ka howlgelaya ama hub la geli ka ra gudaha garoonka, markii laga reebo ciida mada ku sugan xarumaha rasmiga ah ee guda ha garoonka ay ku leeyihiin Waran iyo Gaasha an,” ayaa lagu yiri qoraalka wasiirka.

      Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa waxaa ka howlgeli jiray Ciidan Nabad su gid dhar cad ah, waxaana ciidankan markii ho re si toos u xukumi jiray kaaliyihii Agaasimihii hore ee NISA Cabdullaahi Kulane, waxaana inta badan loo adeegsan jiray arrimo siyaasa deed iyo dadka laga xanibayo inay ka dhoofa an garoonka.

Guddigii loo diray eeda Rooble oo jawaab kale soo gudbiyey

     Dhawaan waxaa jawaabtooda dib loogu cel yey guddi 5 xubnood ah oo saraakiil ciidan ah aa kuwaas oo baarayey sarkaal eedeeyey Ra’isulwasaaraha Dalka.

    Taliyaha ciidamada Ba dda Cabdixamiid wuxuu Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble ku eedee yey inuu dhisanayo Dhul uu leeyahay ciidam ada Xogga Dalka, gaar ahaan qeybtiisa ciidan ka Badda.

     Arrintaan oo culeys iyo xiisad culus dhali say waxaa Villa Somalia lagu eedeeyey inay rabtay inay dhaafsato dano doorasho oo Roo ble meelaha qaar uga fuqo isna laga dabciyo   xaaladda.

      Guddi ayuu taliyaha ciidamada Dalka u sa aray eedaan, guddigaan waxay jawaabtooda soo celiyeen bilowgii todobaadkii hore balse waa laga diiday jawaabtaas.

     Khamiistii ayey mar kale jawaabtii Labaad u gudbiyeen taliyaha ciidamada xoogga Dalka Odawaa Yuusuf Raage sida uu noo xaqiijiyey xubin kamid ah guddigaan.

     Jawaabtii koowaad ee guddigaan waxay aheyd Taliyaha ciidamada Badda wuxuu ku dhacay dambi Ciidan oo uu ku weyn karo xilki isa, waana in tallaabo laga qaadaa.

     Dhulka waxaa leh ciidank xogga Dalka, gaar ahaan ciidankii Badda, cid walba oo dhis aneyso dhulkaas waxaa laga rabaa inay la tim aado sharciyad. Intaas ayey ku qoreen jawaa btoodii koowaad.

      Jawaabtii Koowaad sidaan horey idinkugu sheegnay kuma uusan qancin Odawaa Yuusuf Aadan iyo kooxdii gadaal ka hageysay shaqad aan, waxaana guddiga lagu soo celiyey warq ad waxaana lagu yiri soo caddeeya cidda dhis aneyso Dhulka.

     Jawaabta Labaad oo ay Khamiistii gudbiye en guddiga waa intii hore oo lagu daray ma na qaano cidda dhisaneyso Dhulka ee fadlan ha loo diro hey’adaha ku shaqada leh arrimaha Dhulalka.

Jawaabtaas waxay guddiga gadaal ka raaciy een howshii guddigaan intaas ayey ku egtah ay, iyagoo malaha ka cararaya in mar kale la gu soo celiyo warqadda iyo shaqada kiiskaan.

     Sida aan horey u baahinay saraakiishaan waxay u badnaayeen xubno sumcad weyn ku dhex leh dhinaca ciidanka xoogga Dalka, wax ayna si weyn u fahamsanaayeen in loo dhiibay mudac siyaasadeed oo ay garanayeen cidda la rabo in lagu mudo, taasoo keeni kartay inay sabab u noqdaan xiisad cusub oo ka dilaacda Dalka.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Muqdi sho soo gaaray

      Madaxweynaha D/G/Koofurgalbeed Abdia ziz Hassan Mohamed Laftagareen ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho si uu uga qaybg alo Shirka golaha Wadatashiga Qaranka.

     Garoonka diyaarada ha ee Muqdisho wa xaa ku soo dhaweeyay Wasiiro ka tirsan xuku umadda Soomaaliya.

Md.Laftagareen ay aa u yimid Muqdisho ka qeyb galka gola ha wadatashiga qar an ka dib markii bee sha Caalamka ay Ca ddaadis xoog leh saartay.

     Laftagareen ayaa mar hore sheegay in uus an kaqaybgelayn Shirka balse go’aankiisaas ayaa isbeddelay.

Madaxweyne Axmed Madoobe Oo Shalay La Kulmay Cabdi Xaashi

    Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jub baland Axmed Maxamed Islaam Axmed Ma doobe oo ku sugan Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa wada kulamo kala du wan oo uu la qaadanayo Wakiilada Beesha Caalamka iyo siyaasiyiinta kale

     Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Shalay hoyga uu ka degan Muqdisho kulan ku la qaatay Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarl amaankii 10-aad ee Federaalka Senator Cabdi   Xaashi Cabdullahi iyo Senator Cabdullaahi    Sheekh Ismaaciil Fartaag.

     Kulanka Madaxweynaha iyo Cabdi Xaashi ayaa looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda dalka iyo doorashooyinka oo ay ka muuqato cago-jiid farabadan iyo is qab-qa bsi ka dhashay kuraasta doorashada qaar.

      Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa Madaxwe ynaha Jubbaland u sheegay inay muhiim tah ay dardar-gelinta doorashada, isla markaana ku dhacda si nabad ah oo heshiis lagu wada yahay, si looga baxo marxalada kala guurka ah ee xiligaan lagu jiro.

      Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Dorraad kulan la yeeshay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan, waxa ana inta uu ku sugan yahay Muqdisho uu kula mo kale la qaadan doonaa Wakiilada Beesha Caalamka iyo Mas’uuliyiin kale.


Madaxweynaha Hirshabelle oo la kulmay Xasan Cali Khayre

     Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdull aahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa hoyga uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho ku qaabilay Ra’ii sal Wasaarihii hore ee dal ka, Xasan Cali Khayre.

    War ka soo baxay Mada xtooyada Hirshabelle ayaa lagu sheegay in lab ada dhinac ka wada hadleen xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan midda doorashooyinka.

     "Kulankan ayaa looga hadlay xaaladaha gu ud ee dalka, gaar ahaan dardargelinta arrima ha doorashooyinka.” Ayaa lagu sheegay war ka.

    Madaxweyne Guudlaawe ayaa Caasimadda Muqdisho u joogga, sidii uu kaga qaybgeli la haa shirka uu ku baaqay Ra’iisal Wasaare Ma xamed Xuseen Rooble.

Musharax Daahir Geelle” Siyaasad xumida gunteeda waa in aad isku disho dadka aad madaxda u tahay”

      Musharaxa Madaxweynaha Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa si faahfaahsan uga hadlay xiisaddaha siyaasadeed ee ka tag an Magaalada Muqdisho iyo fashilka ku yimid maamulka Madaxweynaha Muddo xileedkiiso dhamaaday.

     Musharax Madaxweyne Daahir Maxa muud Geelle ayaa sheegay in marna aan la aqbali doonin in dagaallo ay ka dhacaan caasim ad da, islamarkaana loo baahan yahay in wax wal iba lagu dhameeyo wadahadal.

    Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle ayaa qoraal uu soo saaray siddaan u qornaa:

Sida aan horey u sheegay, marar badanna aan ku cel cel iyay, waxaan aaminsanaa, we lina aaminsanahay, walig ay na aaminsanaan doonaa in ar rinta Soomaaliya ay miis ku dhamaato tahay. Cid walba waxay siyaasadda ka durgi doon taa, hadba inta ay miiska ka durugto.

      Siyaasad xumida gunteeda waa in aad is ku disho dadka aad madaxda u tahay ama aad madaxtinnimadooda raadinayso. Doora shooyinka oo la boobo ama la carqaladeeyo waa dad isku dil, waana danbi xagga diinta iyo akhlaaqda ah iyo tallaabo loo qaaday dhanka duminta dowladnimada.

     Waxaan aaminsanahay in xalka Soomaa liya uu ku jiro doorasho daahfuran iyo xilalka si yaasadeed oo si nabad ah lagula kala ware ego. Cid walba oo xoog wax ku raadisana way ila gefsanayd, welina waa ila gefsan tahay. Ma alinna ma aaminin in qoriga uu Soomaaliya xal u noqon karo, waxaana rajaynayaa in dadka Soomaaliyeed ay sidaas u fahmaan oo arrant aas la isla wada qaato. Waa in aan dowladnimada ku raadinno, ku hayno, kuna ilaalinno hab dabacsan oo dimuquraaddi ah. Jimco wanaagsan

Xildhibaano Ka Tirsan Galmudug Oo Laga Joojiyay Fadhiyada Baarlamaanka Iyo Sababta                                             Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad Gob oleedka Galmudug Dr. Maxamed Nuur Gacal ayaa fadhiyada Baarlamaanka oo afar kulan ah ka joojiyay Lix Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Maamulkaas, kuwaasi oo eed eyn loo jeediyay.  Qoraal kasoo baxay Xafiiska Guddoomiye Maxamed Gacal ayaa waxaa la gu sheegay in Xildhibaanada laga joojiyay fa dhiyada Baarlamaanka lagu eedeeyay inay ku xadgudbeen Dastuurka Maamulka iyo xeer-hoosaadyada Golaha u degsan.

     Xildhibaanada laga joojiya afarta kulan oo kamid ah fadhiyada Baarlamaanka Galmudug ayaa waxaa ku jiro Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Baarlamaanka iyo Xildhibaano kale, waxaana sidoo kalena laga joojiyay Gunno 2 bilood ah oo ay qaadan jireen.

      Xildhibaanadan ayaa waxaa lagu amray in ay bixiyaan raali gelin iyo Cudur daar Qoraal ah inta uu socdo Kal-fadhiga 5-aad sanadka 2022, kadib markii lagu eedeeyay howl guda sho la’aan.

     Xubnaha Shalay shaqo joojinta lagu same eyay ayaa maalmahaan aad u diidanaa shuru uc aan marin habraaca saxda ah oo Baarlama anka xoog lagu marsiiyay iyo qaladaad kale oo lagu eedeeyay inuu ku kacay Guddoomiye Dr. Maxamed Nuur Gacal.

Puntland oo la wareegtay hub sharci darro ah oo lagu qabtay magaalada Gaalkacyo

     Puntland ayaa Shalay la wareegtay hub sharci darro ah oo ka koobnaa qoryaha fudud iyo kuwa daran dooriga u dhaca, kuwaas  oo ahaa hub ay gacanta ku dhigeen ciiddanka ammaanka gobolka Mudug.

      Maxkamada Gobolka Mudug ayaa hubk aan u sharciyaysay laamaha amniga, si looga shaqeeyo adkaynta nabad galyada, halkii mar kii hore looga shaqayn jiray qalqal galinta am maanka magaalada Gaalkacyo.  

      Iska hor imaad dhawaan ka dhacay Gaal kacyo oo dhex maray ciiddanka amniga iyo da bley ka ganacsatada maandooriyaha ayay ciid danku ku guulaystaan in ay gacanta ku dhiga an hub iyo maandooriye.

      Howlgalkaas waxaa ciiddanka amniga ka ga geeriyooday hal askari, labo kalena way ka ga dhaawacmeen.

      Guddoo miyaha gobolka Mudug, Cabiladiif Muuse ayaa ciiddanka amniga ku amray in ay sajuuda ka toogtaan ciddii lagu qabto iydoo ka shaqeynaysa fidno iyo amni xumo.

Guddoomiyaha ayaa sheegay kooxaha maan dooriyaha in ay ula dagaalami doonaan si la mid ah Alshabab, isagoo ku tilmaamay inay yihiin cadowga labaad ee gobolka Mudug.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo ka had lay dagaalkii ka dhacay magaalada Baledw eyne, kuna hanjabay dagaal cusub

    Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo ay hareerahiisa fadhiyeen taliyey aasha ciidamada Militariga, Booliiska iyo Nab adsugida ayaa ku dhawaaqay dagaal cusub oo uu sheegay in lagu xaqiijinaayo amaanka Bal edweyne.

 Waxuu sidoo kale ka hadlay gu ddoomiye Jeyte dagaal habeen hore ka dhac ay gudaha magaalada Baledweyne oo uu she egay in la doonayay in isaga lagu khaarajiyo oo ay waxba kama jiraan tahay inuu weerarka qaaday.

     "Aniga 30 daqiiqo kadib ayaan ogaaday in ci da ina xabadeyneysa aysan aheyn nabad diidka oo markii hore aan mooday, mana jirin cid aan weeraray ee anago kolanyo ah ayaa weerarka nagula bilaabay waana u mahad cel ina cid walbo oo iisoo gurmatay" ayuu yiri gud doomiye Jeyte.

     Guddoomiye Cali Jeyte ayaa ku dhawaa qay in Shalay kadib aysan dhici doonin in xaa lada Baledweyne sidaan sii ahaato oo rag hub eysan dhinacyada ka joogaan.

      "Muddo sanad ka badan ayaan ku nooley catii laa tactii, mana ahan nolol aan kusii nool aan karo ama dib aan ugu sii jireyno, Shalay ka dib ma dhici doonto inaan fiirsano qolayaha hubka ku heysta Baledweyne iyo Ceelgaal inta u dhaxeysa, waa in amaanka la xaqiijiya oo anan lagu sii jirin nolosha noocaan halka sano ka badan ku jirnay" ayuu yiri gudomiye Jeyte.

     Hadalkaan kasoo yeeray guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa imaanaya xili habeen ka hor dagaal culus uu ku dhexmaray gudaha ma gaalada Baledweyne ciidamada Militariga dow ladda, kuwa maamulka gobolka Hiiraan iyo cii damo ka amar qaata Korneel Nuur dheere oo ka mid ahaa saraakiishii hoggaamineysay kac doonkii ciidanka Badbaado

Guddiga doorashada Koonfur galbeed oo shaaciyay doorashada 11 kursi oo aqalka hoose ah

     Guddiga doorashada heer dowlad gobole ed ee Koonfur galbeed ayaa soo saaray door ashada 11 kursi oo katirsan aqalka hoose, ku waas oo dhawaan doorashadooda ay qabanayaan.

     Guddiga ayaa saxid ku same yay kursiga HOP#067 oo ku jir ay kuraas ay Habeen hore shaaciyeen, waxayna sheegeen in ay ku qal deen kursiga HOP#002.

Kursiga 067 ayaa kamid ahaa kuraastii lagu doortay Galmudug ee uu ku gu ulaystay taliyaha kumeel gaarka ah ee NISA Yaasiin Fareey.

     Koonfur Galbeed ayaa horey u sheegtay in khilaafka siyaasadeed ee ka dhex jira ma daxda Soomaaliya uusan saamayn ku yeelan doonin hab sami u socodka doorashada ka socota deegaannadooda


Prof. Xuseen Warsame: Yaan la yareysanin hanjabaadda Mareykanka ee Soomaaliya

       Prof. Xuseen Axmed Warsame oo barre ka ah Jaamacadda Calgary ee dalka Canada ayaa sheegay inaanan la dhayalsan karin han jaabadda Mareykanka, ee ku aaddan in uu tall aabo ka qaadi doono cid kasta oo carqalad ku ah waddada nabadda ee Somaliya.

 "Hanjabaadda Mareykan ka lama yareysan karo. Wa damada Galbeedka iyo hay ’adahooda ayuu hormuud u yahay, marka ay ugu yara ato waa marka la iska kaa dhaafyo ee la yiraahdo war kuwaan aan iska ilowno, waxba kama soo socdaanee. Taasina waxay keeni doontaa in dhaqaale badan oo la helo ama la quudin jiray, mashruucyo ama mii saaniyad kabid ha ahaato ay naga maqnaada an. Marka arrintaasi yaan la yareysanin,” ayuu yiri Prof. Xuseen Axmed Warsame oo VOA la hadlay.

      Prof. Xuseen Axmed Warsame ayaa yiri "Waxaan rajeynayaa Madaxda Soomaalida, oo ay ku dhex jiraan dad badan oo dowladda ka mida, oo Maamul Goboleedyada aan oga hay inay dhex ordayaan, ha dhageystaan dadk aas bannaanka ah, talooyinka ka imaanaya.”

     Waxa uu intaa ku daray "Mareykanka iyo Ingiriiska dhawaaqiisuna waxaan filayaa runtii inuu wax uun ka sii tari doono, ee aanu waxba u dhimi doonin.”

     Prof. Xuseen Axmed Warsame oo baaq u jeedinayay Madaxda Dowladda Federaalka ay aa yiri "Waxaan oran lahaa madaxda, labado oduba dib ha ugu noqdaan mowqifkooda gaar ka ah, oo ha iska shakiyaan, malaha wada sax matihiin ha is yiraahdaan, qiimaha ugu badana hala siiyo waqtiga ugu yar ee lagu soo dhame ynayo doorashooyinka, oo ah halka loo socdo, wa aniga lahaa waa roob di’i doona oo doog laga sugayo.”

      Hadalkiisa ayuu intaa ku daray "Walaalkay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxam ed(Farmaajo) waxaan ka codsanayaa, isaga an dhabarka isa sii saarayaa inuu dib uga no qdo shaqo ka joojinta Ra’iisal Wasaaraha, oo uu candhuufta dib u liqo, taasaa furuhu yahay. Furaha labaad waxaa weeye walaal Ra’iisal W asaare Rooble yaan lees carinin, ragga lama cariyo ee isugu yeer Madaxdii Maamul Gobol eedyada iyo Gobolka Banaadir, go’aan aad de gdeg ugu dardargelinaysaan doorashooyinka soo saara.”

     Baaqyada ay aqoonyahanada Soomaaliy eed u jeedinayaan Madaxda Qaranka ayaa ku soo aadaya, xilli uu sii kordhayo cadaadiska uu caalamku ku saarayo Madaxda Qaranka da rdargelinta doorashooyin hufan oo daahfuran.

Faahfaahin Qarax ka dhacay Muqdisho

    Hal Qof ayaa ku geeriyooday 2 kalana wey ku dhaawacmeen Qarax Gaari oo ka dhacay Magaalada Muqdisho.

     Gaariga qarxay oo ahaa kuwa raaxada oo uu noociisu yahay Hariyar ayaa ku qar xay meel u dhaw Isgoyska Baar Ubax ee Magaalada Muqdisho.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip