Puntland oo shaacisay inuu Tuutaha ciidanka PSF galay gacanta cadowga, kadibna…

0
Thursday December 30, 2021 - 14:19:47 in Wararka by
  • Visits: 222
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland oo shaacisay inuu Tuutaha ciidanka PSF galay gacanta cadowga, kadibna…

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Agaasimaha cusub ee hay’adda PFS, Amiin Cabdullahi Xaaji Khayr oo booqday saldhig ku yaalla dhulka buuraha Galgala ayaa khudbad u jeediyey ciidamada, wuxuuna ka hadlay arrimaha taagan iyo sidoo kale xaaladaha ay wajahayaan.

Amiin oo aan weli xil ka la wareegin ayaa shaaca ka qaaday in Tuutaha ciidamada PFS uu galay gacanta cadowga, isla-markaana la beddalay wixii haatan ka dambeeya

Agaasimaha magacaaban ayaa xusay in la kala garan waayey ciidankii iyo cadowgii, sida uu hadalka u dhigay.

Ma caddeyn agaasimuhu cadowga, balse wuxuu tilmaamay inuu faraha ka baxay dareeska ciidamada, sidaas daraadeedana ay go’aansadeen in la beddalo.

 

PSF ayaa ah ciidamo si gaar ah u tababaran, isla-markaana la dagaalama kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab, waxaana taageero milatrari siiyo dowladda Mareykanka.

Hadalka agaasimaha magacaaban ayaa ku soo aadayo, iyada oo weli aan xal dhab ah laga gaarin xiisadda ka dhalatay xil ka qaadistii agaasimihii hay’adda Maxamuud Cismaan Diyaano oo ka horyimid talaabada uu qaadau madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland.

 

Si kastaba, waxaa haatan socda dadaallo dheeraad ah oo ay wdaan madaxdii hore ee Puntland, sida Cabdiraxmaan Faroolwe, Cabdiweli Gaas iyo ra’iisul wasaarihii hore ee Soomalaiya Cumar Cabdirashiid, kuwaas oo garab ka helaya Ismida dhaqanka ee Puntland.

Puntland oo shaacisay inuu Tuutaha ciidanka PSF galay gacanta cadowga, kadibna…




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip